Garoowe (RBC RADIO) Iyadoo dhawaanahan ay ay Ururada Ka jira Puntland ay Cabasho ka muujinayeen Wax ka bedelka Qodobo ka mid ah Dastuurka Puntland oo Doorashooyinka la xiriira ayaa Urur Siyaasadeedka Udad oo ka mid ah kuwa ugu Cad Cad ururada Puntland ka jira wuxuu walaac ka muujiyay in si sahlan wax looga badalo qodobada quseeya doorashooyinka Qaarkood iyadoo wax la sahlayo, waxayna Baaq u direen Baarlamaanka Puntland iyo Shacabkaba, Hoos ka aqriso Warsaxaafadeedka.
UJEEDDO: WAR SAXAAFADEED
Waxaa ururka UDAD isagoo indhaha ku haya xaaladda dalku marayo isla markaasna diiradda saaraya siday doorashooyinka golayaasha degaanka ee soo socda ugu dhici lahaayeen jawi caddaaladi ku jirto, ayna uga run sheegi lahaayeen rabitaanka shacabka Puntland uu soo saaray qodobadan hoos ku qoran:
- Waxaan aad u cambaaraynaynaa mooshinka ay xukuumaddu u soo gudbisey Barlamaanka si looga saaro xeerka doorashooyinka golayaasha degaanka ee dawladaha hoose oo la ansixiyey July 2012 qodobka 3aad, iyo kan 4raad oo kala ah shuruuda aqoonsiga muwaadinka iyo isdiiwaangelinta codeedayayaasha ka hor maalinta doorashada
- Waxaan welwel ka qabnaa go’aanka Barlamaanku hadda jira uu ka damacsan yahay beddelaadda qodobadaas asaasiga ah, annagoo ka rajeyneyna inay garsoor hufan la yimaadaan, kana fogaadaan wax alla iyo wixii keeni kara khalkhal amni iyo ku shubasho
- Waxaan aad ugu boorinaynaa xubnaha Barlamaanka inay tixgeliyaan bayaanka shanta urur siyaasadeed ay sida wadajirka u soo saareen oo xambaarsan qodobbada lama huraanka u ah habsami u socodka doorashada golayaasha degaanka ee soo socda.
- Waxaan ugu baaqayna xubnaha barlamaanka hadda jira inay kula xisaabtamaan dawladda mushahaar la’aanta ku dhacday shaqaalaha, ciidammada kala duwan iyo hayadaha amniga laga soo bilaabo oktoobar 2012, halkay cududaar ugu raadinayaan inay ka saaraan qodobada aan kor ku soo xusnay oo ay wax qabadkeeda ka gaabisay xukuumaddu muddadii siddeeda bilood ahayd ee ay ansaxa ahaayeen.
- Waxaan mar labaad iyo mar saddexaad ugu baaqaynaa guddiga doorashooyinka ku meel gaarka inay dhexdhexaad ka noqdaan muranka imminka jira, aysan dhinacna u xaglin si ay u helaan dhammaan kalsoonida dhinacyada kala duwan, danta shacabka oo keliyana u hiiliyaan.
- Waxaan kale oo shacab Puntland ugu baaqaynaa inay rabitaankooda siyaasadeed ee ku aadan qodobbada kor ku xusan ay ku muujiyaan bannaabaxyo si nabadgelyo ah loo soo abaabuley oo ka dhaca dhammaan deegaamada Puntland iyagoo marka hore la socodsiinaya hayadaha amniga goobta iyo taariikhda ay isu soo baxaas qorshaynayaan si amnigooda loo hubiyo.
Mahadsanidiin
Siciid Faarax Maxamed
Guddoomiyaha Ururka UDAD
__________________________________________
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.