Muqdisho (RBC) Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa galabta isku qarxiyey meelu dhow xarun ay ciidamada nabadsugida dawlada federaalka Soomaaliya ku leeyihiin suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan qofkii isqarxiyey oo kaliya ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana wararku sheegayaan in labo ruux oo rayid ah oo marayey wadada dhaawacyo ka soo gaareen qaraxan oo xilli maqribkii ah dhacay.
Sarkaal ka tirsan saldhiga booliska ee degmada Hawlwadaag ayaa sheegay in ninka iswarxiyey uu wiil dhalinyaro ah oo iskudayey inuu galo goobtaxarunta u ah ciidamada nabadsugida balse ay u suurtagali weysay ciidamada oo feejignaa darteed ka dibna uu isku qarxiyey meel wadada ah.
Qaraxan ayaa dhacay afar maalin ka dib markii qarax baabuur loo adeegsaday maalinimadii Isniinta lala beegsaday taliyaha ciidamada nabadsugida ee gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg oo uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi. Qaraxii Isniinta ayaa waxaa sheegtay kooxda Al Shabaab oo dagaal kula jirta dawlada.
RBC Radio