Garoowe (RBC RADIO) Culimada Puntland maanta waxay Amal Bank kala wareegeen Lacag dhan $ 25,000 (Shan iyo labaatan Kun oo Dollar) waxaana lacagtaasi iska soo aruuriyay jaaliyada Dagan dalalka Denmark iyo Sucuudiga si ay qayb uga noqdaan gurmadka xoogan ee loogu jiro wax u tarida dadkii Daadadku ku asiibeen Gobolada Qaar ee Puntland, Sheekh C/qani Qorane oo ka hadlayay Shir Saxaafadeed Culumada Gobolka Nugaal ku qabteen Masjidul-hudaa wuxuu sheegay in lacagtaasi ay gudoomeen kana mahadcelinayaan.
“ waxaa Dalka denmark naga soo gaaray ugu Horayn Lacag gaareysa shan iyo Toban kun oo Dollar o ay hormuud ka ahaayeen C/laahi hadane muuse iyo Xaliimo Soofe kana tirsan Gudiga taakulaynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Denmark, waxaa kaloo shan kun oo Doolar naga soo gaartay Jamciyada Khayriga ah ee Haro kana dhisan dalka Sucuudiga uuna hormuud u yahay Cali Xaaji,Waxaa kaloo lacag dhan shan kun oo Dollar iyana nasoo gaarsiiyay jaaliyada Soomaliyeed ee Dalka sucuudiga ku nool, iyo dadka kale oo si Kali kali ah Lacag noogu soo diray sidaana waxaa yiri Sheekh C/qani Qorane.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo Culimada Puntland ka mid ah wuxuu tilmaamay in Dadka soomaaliyeed dal iyo Dibad meel kasta oo ay joogaan ka qayb qaateen Muusiibadii ka dhacday Gobolada Puntland qaybo ka mid ah, wuxuu sheegay in ajar wayn ay ka heli doonaan dadka Qurbaha jooga ee Lacagtaasi shan iyo labaatanka gaaraysa soo diray wuxuu si gaara ugu Mahadcelshay jaaliyada ku dhaqan Dalka Denmark oo Lacagta ugu badan soo diray,waxaana cadeyneynaa buu yiri in Lacagtaasi aanu Amal ka gudoonnay dadkii loogu talagayna gaarsiin doonno.
Dadka abaaaroobay ee Xoolohoodu ay ka dhamaadeen ayaa wali u baahan Caawimaad waxaana ilaa hada la gaarsiiyay Raashin Bustayaal iyo Agabyo kale waxayna Culimadu sheegeen in Talaabada 2baad ee dib u dajinta loo gudbi doono xiliyada soo socda taasoo ah mida ugu horeysa oo hada ay tabayaan dadka Musiibadu haleeshay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka garoowe.