Muqdisho (RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacaid) ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Numbar-konton.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacaid R/wasaaraha dalka ayaa tilmaamay inuu aad uga xunyahay dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha hoose wuxuuna xusay in dagaalkaas ay ku geeryoonayaa dhalinyarro Soomaaliyeed taasina ay tahay mid nasiib darro ku ah bulshada Soomaaliyeed.
Raysul wasaaraha dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon saacid ayaa ka dhawaajiyay in dagaalka maalintii labaad ka socda deegaanka Numbar-konton ee gobolka Shabeelaha Hoose uu khasaare xooggan u gaystay shacabka ku nool deegaankaas , wuxuuna ku baaqay in la joojiyo dagaalkaas.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa dagaalkaas ku tilmaamay inuu yahay mid nasiib darro ah wuxuuna tacsi u diray shacabkii ku waxyeeloobay dagaalka maalintii labaad ka socda deegaanka Numbar-konton ee gobolka Shabeelaha Hoose.
R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in hadii uu sii socdo dagaalkaas uu wiiqi doono dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoraynta deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose oo ay wali ku sugan yihiin cadowga Soomaaliyeed ee Alshabaab sida uu hadalka u dhigay R/wasaare Saacid.
Deegaanka Numbar-konton oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ku dagaalamaya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya dagaalkaas oo khasaare xooggan soo gaarsiiyay shacabka ku dhaqan deegaanka Numbar-konton ee gobolka Shabeelaha Hoose.
RBC Radio