Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo ka hadlay dagaalada ka socda gobolada Shabeelooyinka

$
0
0

Qaahira(RBC Radio) Madaxweynihii hore ee dowladdi ku meel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti mudane C/qaasin Salaad Xasan ayaa ka hadlay dagaalada ka socda gobolada Shabeelooyinka wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka socda goboladaas.

C/qaasin Salaad Xasan madaxweynihii hore ee dowladdi Carta ayaa tilmaamay in dagaal beeleedyada ka socda gobolada Shabeelooyinka uu si aad ah uga xunyahay uuna ku baaqayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaaladaas, wuxuuna ugu baaqay beelaha dagaalamaya in khilaafkooda ay ku xaliyaan qaab nabadeed.

C/qaasin Salaad Xasan ayaa sheegay inuu mar kasta maqlo waxaa dagaalamaya ciidamo ka wada jirsan dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya inay ka fogaadaan wax kasta oo shacabka Soomaaliyeed dhibaato u gaysan kara.

Madaxweynihii dowladda KMG-ka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga dalka ay u dhaarteen inay badbaadiyaan dalka, dadka  iyo diintooda wuxuuna ku booriyay inay ka dhabeeyaan Dhaartii ay u mareen diinta, dalka iyo dadkooda.

C/qaasim Salaad Xasan ayaa dhinaca kale baaq u jeediyay Beelaha Soomaaliyeed ee dagaalka kala hor imaanaya dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay joojiyaal khilaafaadka ka dhanka ah dowladooda, C/qaasim ayaa beelahaas ugu baaqay inay taageeraan dowladda Soomaaliya si looga gudbo caqabadaha hortaagan  dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles