Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasaaradda difaaca xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay meel wanaagsan marayaan qorshaha lagu dhisayo ciidamada xoogga dalka

$
0
0

fiqiMuqdisho(RBC Radio) Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo shalay ka hadlayay xaflad lagu dhaarinayay ciidamo ka mid noqon doona ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso dhisidda ciidamada Xoogga dalka, si looga maarmo ciidamo shisheeye.

C/kariin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa xusay in qorshaha lagu dhisayo ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya uu meel wanaagsan marayo wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in mardhow dalka loo samayn doono ciidan ku filan sugidda ammaanka dalka.

Wasiirka difaaca dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay inay dhisto ciidan awood badan oo hanan kara ammaanka dalka iyo kalsoonida shacbaka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo hadafka madaxda dowladda ee ku saabsanaa in ciidan Soomaaliyeed oo cudud badan loo dhiso shacabka Soomaaliyeed si ay uga difaacaan kooxaha argagixisada ah ee hagardaamada la madacsan bulshada Soomaaliyeed.

“Qorshaha ciidamada qalabka sida lagu dhisayo meel wanaagsan ayuu marayaa waxaana ka go’an dowladda Soomaaliya inay dhisto ciidan cudud badan oo hanan kara ammaanka dalka si loo xaqiijiyo amaamnka muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yir wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay dadaal ugu jirtay sidii ay u dhisi lahayd ciidamada xoogga dalka si looga maarmo taageerada ceedamada shisheeye ee hadda dalka ku sugan.

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles