Nairobi[RBC Radio]Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe)ayaa markii ugo horeysey ka hadlay qorsha dowladda Kenya ay ku doonayso inay dib dalkooda ugu celiso qaxootiga Soomaaliyed ee ku jira xeryaha ku yaalla dalkaasi.
Axmed Madoobe ayaa sheegay inay wanagsan tahay in shacabka Soomaaliyed ee ku jira xeryaha dalka Kenya inay dalkood ku soo labtaan kana qeyb qaatan sida uu sheegay dadaalada ka soconayo dalka ee lugu doonayo in lugu soo afjaro xaaladda uu dalku ku jiray muda 22-sanno ah.
…”"”Dibu soo celita shacabka Soomaaliyed ee mudada dheer ku jiray xeryaha ku yaalla dalka Kenya,waxay sahlaysa in dadkaasi noqdaan kuwo dibu dajin hela kana baxa qaxootinimada,waxad la socotaan dalka inay xiligaan ka socoto dadaalo lugu doonayo in lugu soo celiyo xasiloonida dalka,waxaa socda dadaalo sido kale la xiriira sidii loo so afjari lahaa xaaladda dalka uu ku jiray mudada dheer…”"”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Qorsha dowladda Kenya ayaa ah inay dib usoo celiso 500,000 oo qaxooti Soomaali ah,waxana arrinta dhawaan heshiis ku gaaray dowladda faderaalka Soomaaliya iyo Kenya,waxana arrintaasi uu ku sheegay Axmed Madoobe inay tahay xiligii loo bahna mid timid.
Hoggaamiyaha Jubba ayaa war kaan ka sheegay xilli uu wareysi siiyay telefishinka Citizen TV,waxana uu warakiisa uu ku soo qaaday in 80 boqolkiiba qaxootiga ku jira xeryaha Kenya ay ka soo jeedaan Jubbaland,waxana uu tilmaamay in deegaannada ay dadka ka soo jeeda inay xilligaan ka socdaan qorshayaal amnigooda lugu xaqiijinayo.
Axmed Madoobe waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qaaday inuu dhowaan booqan doonno xeryaha qaxootiga si uu uga dhaadhiciyo qaxootiga Soomaalida ahmiyadda ay leedahay in dib loogu noqdo dalka, lagana qeyb-qaato dib u dhiskiisa.
Hoggaamiyaha waxaa kalo uu hadalkiisa uu si weyn uga mahad-celiyey dowladda Kenya,waxana uu sheegay in Kenya door muqda ay xilligaan ku leedahay nabadenta dalka,halka sida uu sheegay ay muddo dheer usoo dhabar adegaysey culeska ay leeyihiin malaayinta Soomaalida ah ee dalkeeda kusoo cararey.
…”"”"Waxan qorsheynaya inuu dhowaan booqado xeryaha qaxootiga si aan uga dhaadhiciyo qaxootiga Soomaalida ahmiyadda ay leedahay in dib loogu noqdo dalka, lagana qeyb-qaato dib u dhiskiisa,dowladda Kenya iyado waa mid door muqda xilligaan ku leh nabaddenta Soomaaliya,waxana uga mahad-celinayna sida ay ugu dulqaadatay malaayinta Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool….”"”"ayuu yiri Axmed Madoobe.
Hadalka Axmed Madoobe oo xilligaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ku sugan ayaa ku soo aadaya xilli horraantii bishan, hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ay heshiis saddex geesood ah la saxiixatay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio