Gaalkacyo[RBC Radio]Xilli lugu wado sannadka ina soo aadan in Puntland ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ayaa hadda waxaa isi soo tara xubnaha doonaya inay xilkaasi u tar tamaan.
Sidoo kale doorashada sannadkaan dhacaysa ayaa lugu sheegay inay tahay mid ay ka soo qeyb galayaan xubnihii ugu badna ee abid isku soo taaga hoggaanka Puntland,waxana jirta tiradda xiligaan doonaysa madaxtinimada Puntland inay tahay mid ka badan doorashooyinkii hore musharaxiinti ka soo qeybgashay.
Xubnaha xilligaan doonaya hoggaanka Puntland ayaa waxaa ay isgu jiraan siyaasiyin hore oo qar kood xilal ka soo qabtay dowladihii hore ee Puntland,xubno kale waxaa ay xilal ka soo qabteen dowladdihii Soomaaliya halka ay xiligaan jiraan siyaasiyin ku cusub saaxadda siyaasada ee Puntland.
Waxaa la sheegaya xilligaan inay tiradda isi soo sharaxday inay sii kordhi doonan iyadoona illo ka agdhow siyaasiga Maxamed Cabdunuur Xirsi,laga soo xiganayo inuu dhawaan ka mid noqon doonno doonayaasha hoggaanka Puntland.
...”"”Way jirta in siyaasiga Maxamed Cabdunuur Xirsi oo doonayo inuu isku soo taago xilka madaxtinimo ee Puntland,waxaa la rajeenayo maalmo kadib inuu ku dhawaaqo inuu yahay musharax madaxweynanimo ee Puntland…”"”ayuu yiri xubin ka agdhow siyaasiga oo Raxanreeb la hadlay.
Siyaasiga Maxamed Cabdunuur Xirsi ayaa isago ka mid ahaa xubnihii idibadda utaagay Urur siyaasadedkii Midnimo oo kamid ahaa Ururadi lugu dhawaaqay xilligii la doonayey in la dhaqan galiyo nidamka asxaabta badan ee xilligan dib loo dhigay.
Sidoo kale waxaa la sheegaya in siyaasigu uu door muqda ka soo qaatay arrimo badan oo la xiriira Puntland,waxana la sheega in lugu xasuusto hirgalinta qorshayaal lugu hormarinayo Puntland,waxana uu ka mid ahaa ganacsada reer Puntland ee lugu tiri inay ka go’ned horumarinta dalka.
Isku soo wada dubo siyaasiga Maxamed Cabdunuur Xirsi ayaa xilligaan kusugan magaaladda Garoowe ee caasumada dowladda Soomaaliyed ee Puntland halkaas ayaana lugu wadda inuu uga dhawaaqo musharaxnimadiisa.
_____
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio