Num-50(RBC Radio) Wararka ka imaanaya deegaanka Numbar-konton ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay uu markale halkaas ka bilowday dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamadii shalay ku dagaalamay nawaaxiga Numbar-konton ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada militeriga ee ku sugnaa duleedka deegaaanka Numbar-konton ayaa markale saakay weerar ku qaadan halkaas, gudoomiyaha deegaanka Numbar-konton C/llaahi Waafoow ayaa sheegay kahor inta aysan weerarka ku soo qaadin ciidamada militerig ah ay madaafiic la dhaceen gudaha deegaanka Numbar-konton ayna markaas ka dib weerar toos ah ku soo qaadeen deegaankaas.
Gudoomiyaha deegaanka Numbar-konton C/llaahi Waafoow ayaa tilmaamay in ciidamada militerig ah ee markale saakay weerarka ku soo qaaday deegaanka Num-50 ay qaybo ka mid ah deegaankaas gudaha u soo galeen ayna ka gaysteen dhibaatooyin isugu jira dil, Dhac iyo barakicin.
C/llaahi Waafoow gudoomiyaha deegaanka Numbar-konton ayaa ka dhawaajiyay in ciidamada militeriga ah ee weerarka ku soo qaaday deegaanka Num-50 ay ka amar qaataan Janaraal Gaafoow wuxuuna ku eedeeyey Janaraalkaas inuu masuul ka yahay dhibaatada ka socota deegaanka Numbar-konton ee gobolka SH Hoose.
Gudoomiyaha deegaanka Numbar-konton ayaa sheegay in uu wali dagaalku si xooggan uga socdo qaybo ka mid ah deegaanka Num-50 wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay soo fara geliso ciidamada weerarka ku soo qaaday shacabka ku dhaqan deegaanka Numbar-konton.
Waxaa aad u kacsan jawiga deegaanka Numbar-konton shacabkii ku noolaa deegaankaas ayaa bilaabay inay ka barakacaa dirirta u dhaxaysa ciidamada ka wada jirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee maalintii labaad ku dagaalamaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
RBC Radio