Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Booliska dalka Kenya oo gacanta ku dhigay nin looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab

$
0
0
Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin ay sheegen inay ka shakiyeen

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin ay sheegen inay ka shakiyeen

Nairobi[RBC Radio]War ka soo baxay booliska dalka Kenya ayaa lugu sheegay inay xireen in looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay xooggaga ka dagaallama Soomaaliiya ee Al Shabaab.

Ciidamadu waxaa ay sheegay in ninkaan ay qabteen booliska magaalada Nyeri ee gobolka Bartamaha ee dalka Kenya,waxana la sheegay in ninkaan uu xubin ka yahay xubnaha ururka Al Shabaab u qaabilsan taba barada,waxana ay inta ku dareen boolisku inay ugu shaki qabaan ruuxan inuu tababar ku soo qaatay Soomaaliya.

 

Wararku waxaa ay inta ku darayaan ninkan laga shakisan yahay  isaga iyo saddex ruux oo ay walaalo yihiin ay tababar kusoo qaateen saldhigyo ay  Al Shabaab ku leedahay guddaha  Soomaaliya,waxana boolisku ay xaqiijiyeen in ninkaan  uu ku xiran yahay xabsi qarsoodi ah.

Boolisku waxaa kalo ay sheegen in sidoo kale ay xireen aabbaha dhalay eedeysanaha,waxana inta dheer sida uu boolisku caddeyey  in ninkaan uu kasoo laabtay sannadkii hore Soomaaliya, halkaasoo uu tababarro kusoo qaatay.

Saraakiisha booliska magaalada Nyeri ayaa xusay in labo ka mid ah walaalihiis ay weli joogaan Soomaaliya, mid kalena uu ku dhintay dagaal uu ka qeyb-galay oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Ninkan laga shakiyay ayaa la sheegay in magaalada Nyeri uu ka dhisay masjid, kaas oo boolisku ay sheegeen in la rumeysan yahay in uu kharashaadka dhismaha masjidkaasi ku taageeray ururka Al-Qaacidda.

…”"”‘Ninka xiligaan an gacanta ku heyno waxaa uu tagay Soomaaliya waxana xiligaa waheliyey  saddex walaalihiis,waxana xiligaan looga shaki qaba inay ka soo  bar-bar dagaallameen Al-Shabaab, balse sannad kadib  dalka ayey dib ugu soo laabteen…”"”ayaa lugu yiri war ka soo baxay booliska Kenya.

Illa hadda majiro war ka soo baxay Ururka Al Shabaab ee ku aadan ninka xiligaan booliska Kenya ay sheegen inuu xiriir la leeyahay irirkooda,sidoo kale lama sheegin cid xaqiijisey inuu ninkaan ka tirsan yahay Al Shabaab.
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles