Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose oo xalay kulan ku yeeshay magaalaga Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay maxkamad soo taagto saraakiishii weerarka ku qaaday deegaanka Numbar-konton ee gobolka SHabeelaha Hoose.
Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya laga sugayo inay maxkamad saarto dadkii ka dambeeyey dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Numbar-konton.
Xildhibaanka C/llaahi Sheekh ISmaaciil ayaa sheegay in saraakiishii ka dambaysay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ay yihiin dambiilayaal qaran wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay baaritaanno ku samayso saraakiishaas ayna soo taagto maxkamad si looga abaalmariyo dambigii ay ka galeen shacabka gobolka Shabeelaha Hoose.
C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay gayso ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM goobaha ay ku dagaalameen labada ciidan si loo yareeyo khasaaraha soo gaaray shacabka deegaankaas ku nool.
Deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa marar badan kusoo noqnoqday dagaallo u abaabulan hab beeleed oo dhexmaraya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ama ciidamada deegaanada gobolkaas ee ka amar qaata maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.
RBC Radio