Garoowe (RBC RADIO) Ciidamada Kala duwan ee Puntland oo Markii ay roobabku De’een ka kala gurmaday Goboladaoo dhan ayaa Cudud xoogan u noqday Dadkii reer guuraaga ahaa ee Dhibaatadu haleeshay,Ciidanku waxay Dushooda ku gurayeen raashinka Dawooyinka Biyaha Bustayaasha iyo dhamaan wixii dadkaasi loogu talagalay waxayna sidoo kale dadka ka gudbinayeen meelaha dhiiriga ah ee dadku mari Karin, waxay kaloo u gurmanayeen dadka ku go’doomay meelaha qaar iyagoo Caruur iyo haweenba kasoo saaray Meelo ay daadadku ku dhufteen.
Ciidanka Qalabka sida ee Puntland waxay sidoo kale Badbaadiyeen Xoolo oo Geel u badan kaasi oo 2da dhinac uu Daad kaga yimi iyo dadkii lahaa Xoolahaasi oo iyana meesha ku Go’doonsan,waxay sidoo kale ciidanku ka qayb qaateen Saarista Gawaarida wada raashinka markii ay galaan goobaha Dhiiqada ah ama dhiiriga ah iyagoo ka Marxaladii Amni sugista ku darsaday Marlada Bini’aadan nimada iyo isu gurmadka.
Ciidamadu waxay sidoo kale heegan ku jireen oo waliba ay dhaxan u wehliso intii uu Madaxweynuhu ku sugnaa Goobihii ay dhibaatooyinku ka dheceen iyagoo Amaanka sugayay qaybna ka qaadanayay in dadka Dhibaateysan ay dushooda ugu raraan Raashinka iyo Dawooyinka loogu talagalay in la gaarsiiyo waxayna Ciidanka Puntland qaadeen talaabo xusid mudan oo aan la ilaawi doonin sida ay dad badan isku raaceen.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.