Muqdisho(RBC Radio) R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Yoosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa kulan la yeelatay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta mudane Nabiil Al-carabi oo ka mid ah masuuliyiinta ka qaybgalaysa shirka madaxweynahayaasha Afrika iyo Carabta ee Barri ka furmi doona madaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait.
Wasiirka ariamaha dibadda ahna R/wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa kala hadashay xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta mudane Nabiil Al-carabi sidii loo taageeri lahaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iminka la daalaadhacaya dhibaatooyin kasoo gaaray roobab dabaylo watta oo wali ka da’aya deegaanada maamulada Puntland, Soomaaliland iyo fataahada wabiga Shabeelle uu ka gaystay gobolka Shabeelaha Dhexe.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dalalka jaamacadda Carabta inay taageeraan dowladda Soomaaliya si loo samatabixiyo dadka ay waxyeeladi kasoo gaartay roobabka duufaanada watta ee ka da’ayay maamulada Soomaaliland, Buntland iyo fatahaadaha wabiga shaeabeelle uu ka gaystay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait C/qaadir Sheekh Amiin oo ka qaybgalay shirka ayaa tafaasiil ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen labada masuul wuxuuna tilmaamay in wasirka arimaha dibadda Soomaaliya ay uga warbixisay xoghayaha duug ee jaamacadda Carabta xaaladda dalka iyo horumarrada ka socda gudaha Soomaaliya iyo sidii ay Jaamacadda Carabtu uga qaybqaadan lahayd gacan siinta dowladda Soomaaliya.
Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya shirka maalinta barri ah ka furmayo magaalada Kuwait ee looga hadli doono sidii loo hormarin lahaa dalka Afrika iyo Jaamacadda Carabta.
RBC Radio