Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kusoo laabtay (warbixin Sawirro).

$
0
0

19

 

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa fiidkii xalay so gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlada Puntland kadib Kormeer 3 maalin qaatay oo uu ku tagay tuulooyinka Hoos yimaada Degmooyinka Eyl iyo Dangoronyo oo Dabaylihii dhacay xoogooda ay dad ku wax yeeleeyeen halkaasi,waxaana Madaxweynaha intuusan imaan uu guri guri u booqday dadkii Musiibadu asiibtay.

 DSC00236

Dhamaan Tuulooyinkuu tahay Madaxweynuhu waxay dadku u muujinayeen dareen ku aadan dhibaatada haysata iyagoo kaga mahad celinayay Booqashadaasi iyo Dareenka xanuunka leh ee uu la wadaagayo, dadku wax ugu badan oo ay ka cabanayeen ayaa ah in xoolahan bakhtiyay laga gubo si uusan u dhalan cuduro hor leh oo asiiba dadkan horay dhaawucu usoo gaaray waana leysla qaatay fikirkaasi oo Madaxweyne Faroole wuxuu amar ku bixiyay dhamaan meeshii xoolo bakhtiyay lagu arkaba in la gubo si deg deg ah.

 6

Madaxweyne C/raxmaan oo ay Casumaad u sameeyeen dadka Qarxis ku nool ayaa mar uu hadlayay wuxuu sheegay in Dowladu ay xooga saareyso sidii dadkaasi dib u dajin loogu samayn lahaa si ay uga kabtaan xaalada adag ee ku dhacday, wuxuu tilmaamay in Gurmadka marka laga gudbo oo dadku qaboobaan ay ku xigi doonto dib u dajin dadkoo dhanna ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo dajin doono xoolana loogu keeni doono, Dr Faroole wuxuu tilmaamay in qorshuhu ahaa in uu tago dhamaan Deegaanadii Musiibadu ka dhacday wuxuuse tilmaamay in aan dhulka leysku halayn Karin xiligan dhanka Dhiiriga.

 IMG_1662

Waxaa wali socota Dyaarado si isdaba joog ah uga soo dagaya Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe kuwaasi oo wada Raashin iyo dawo waxayna diyaaradahaasi wali ka imaanayaan Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti iyadoo wali Dowladii Soomaaliyeed aan wax juuq ah laga hayn.

DSC002572423202521161514111187421

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles