Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka ayaa galabta sheegay in laga heshiiyay murankii soo kala dhexgalay maamulka kawaanka gowraca xoolaha ee Kawaan Bari iyo ganacsatada xoolaha ku qalata kawaankaas,Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in la dhameeyey khilaafkii maanta sababay in hilib laga waayo suuqyada magaalada Muqdisho.
Kulan lagu qabtay degmada C/casiis ee gobolka Banaadir oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir, ganacsatada xoolaha ku qalata kawaan Bari iyo wagarad la socday ganacsatadaas ayaa looga hadlay xalinta khilaafka soo kala dhexgalay maamulka gobolka Banaadir iyo hanacsatada xoolaha ku qalata kawaan Bari.
Muxudiin Axmed Jimcaale oo ka mid ahaa ganacsatadii ka qaybgashay shirka ayaa sheegay in laga heshiiyay is afgaranwaagii saakay waabarigii soo kala dhexgalay maamulka kawaan Bari iyo ganacsatada xoolaha ku qalata kawaankaas, wuxuuna tilmaamay in lasii dardar gelin doono howlihii ka socday kawaanka gowraca xoolaha ee kawaan Bari.
Gudoomiyaha maamulka degmada C/casiis C/llaahi Xuseen Xasan ayaa xusay inuu aad ugu faraxsanyahay xalka laga gaaray is afgaranwaagii soo kala dhexgalay maamulka kawaaanka iyo ganacsatada xoolaha ku qalata kawaanka gowraca xoolaha ee kawaan Bari.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii laga wada hadlay wuxuuna sheegay in xal laga gaaray khilaafkii soo kala dhexgalay maamulka kawaanka iyo ganacsatada xoolaha ku qalata kawaankaas.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in kulankii ay maanta qaateen maamulka gobolka iyo ganacsatada xoolaha ku qalata kawaan Bari uu ku soo dhamaaday guul wuxuuna xusay in la isku waafaqay in la qaato awaamiirta dowladda Soomaaliya.
Maxamed Yuusuf Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolaha ku qalata Kawaan Bari ay maamulka gobolka Banaadir u soo gudbiyeen cabashadooda wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in la tixgelin doono cabashooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolaha gaysata kawaan Bari.
.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho