Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Issimada gobolka Mudug oo ka shiray musiibadii ka dhacday Puntland[Sawirro]

$
0
0
Issimada gobolka Mudug oo ka shiray musabadi ka dhacday Puntland

Issimada gobolka Mudug oo ka shiray musabadi ka dhacday Puntland

Gaalkacyo[RBC Radio]Madaxda dhaqanka, maamulka gobolka Mudug iyo gudiggii loo xilsaaray dhaqaale uruurinta dadkii ay saameeyeen duufaantii ku dhufatay deegaano ka mida Puntland ayaa maanta kulan xog-iswaraysi ah ku yeeshay hoyga Islaan Bashiir Islaan C/dulle.

Kulanka oo gudigga laga xog waraysanayay halka ay marayso hawsha gargaarka uruurinta waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah madax dhaqameedka gobolka.

Islaan Bashiir Islaan C/dulle oo ugu horayn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bulshada gobolka madax iyo shacabba ay u istaageen sidii loo gargaari lahaa walaalahooda ku waxyeeloobay roobab dabaylo xooggan wato oo maalmo ka hor ku dhuftay gobolo ka mida Puntland.

IMG_9466

Fiqi Bashiir C/dulle Cusmaan ayaa isaguna soo jeediyay in loo degdego sidii loo barbar istaagi lahaa dadka ay roobabka cayrteeyeen.
Suldaan C/salaan ayaa dhankiisa ka sheekeeyay sida ay u habboon tahay in Soomaalidu ay u wada istaagto sidii isku dhan gargaarka looga qayb qaadan lahaa.

Cabdi Yare oo ka mida gudigga gargaar uruurinta ayaa kulanka ka sheegay in maanta la sii dhiibi doono inta hadda gargaar gacanta lagu hayo.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa soo jeediyay in dadka cayrtoobay xoolo loo uruuriyo si aysan u noqon qaxooti maadaamaa ay xoolihii dhaafeen inta dadka nool.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac oo kulanka soo xiray ayaa sheegay shacabka gobolka inay danqadeen oo ay walaalahood garab istaageen, haatanna wali ku dhiiri galinayo inay gargaarka laga jibbaaraan.

Si kastaba deegaannada Puntland ayaa waxaa ka socota gurmad loo fidinayo dadkii ay waxyeeleyen roobabki da’ay,waxana xiligaan bilaabatay gormadkaas oo bilowgiisu gaaray sida la sheegay goobo ka mid ah halka ay roobbaku aafahyeen.

IMG_9463

IMG_9480

 

IMG_9469

IMG_9486

 

IMG_9495

 

IMG_9482

 

IMG_9465

 

IMG_9478

IMG_9477

______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles