Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Masuuliyiinta Jaamacada Bariga Afrika ee Puntland oo soo gabagabeeyey Kormeer ay wadeen (Sawirro).

$
0
0

 

IMG_1330

Garoowe (RBC RADIO) Masuuliyiin isu jira Aas-Aasayaasha Jaamacada EAU iyo Boodhka Jaamacada ayaa kor meer Maalmo qaatay oo ay kusoo marayeen Xarumaha Jaamacadu ku leedahay Gobolada Dalka waxay ugu dambayn kusoo gabagabeeyeen Xarnta Jaamacadu Garoowe ku leedahay, wuxuuna Aadan sheekh Doon oo ah Gudoomiyaha Boodhka Jaamacada uu sheegay in ay soo qatimeen Kormeerkoodii ayna ogaadeen in si habsami leh ay usocdaan Hawlaha jaamacada  Bariga Afrika dhanka waxbarashada.

 IMG_1286

“ waxaan soo marnay kormeer kala duwan Boosaaso iyo  Qardho Garoowe ayaan kusoo qatinnay Safarkeeni waxaana ujeedadeenu ahayd in aan ogaano sida ay wax u socdaan waxaan dareemayaa in Hawshu si wacan u socoto Jaamacaduna Hormarkeeda uu sii balaartay dadaalkaasina ay sii wadi doonto oo aan laga hakin doonin Umada Puntland, Qaybta garoowe waxaa ka yara Daciif ah Dhanka Qadka Internetka  Golis ayaan la hadalnay si deg deg ah ayaana wax looga qaban doonaan baahidaasi, sidaana waxaa yiri Aadan Sheekh Doon.

 IMG_1288

Madaxda Kale ee Jaamacada ayaa dhankooda ku xoojiyay Aadan hadalkii uu jeediyay waxayna sheegeen in Intii ay socodka ku jireen ay u muuqatay oo qura hormar lagaaray iyo Arday Fursado badan ka helay Waxbarashada Jaamacada, waxay kaloo sheegeen in Bariga Afrika ay ka haqabtirtay Dhalinyarada baahidii loo qabay in ay aadaan jaamacada Dibada oo dalkoodii hooyo loogu keenay macalimiin waaya arag ah Aqoonna u Saaxiib ah.

 IMG_1276

Jaamacada Bariga Afrika oo ah Jaamacadii ugu Horeesay ee Puntland laga hirgasho ayaa xarumo horleh ka furatay Puntland waxayna is bedel ku sameesay Macalimiintii u joogi jirtay iyadoo Dalka Dibadiisa ka keentay macalimiin Soomali ah oo Aqoon yahanno ah si loo xoojiyo Fahamka Ardayda oo qaarkood ay dhib ku tahay in ay la jaan qaadaan Macalimiinta Ajaaniibta ah sida ay Xuseen Masuuliyiinta Bariga Afrika.

IMG_1286IMG_1325IMG_1319IMG_1303

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles