Jowhar(RBC Radio) Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa shegaya in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ay maanta ka ka bexeen wafdi odayaal ah oo kusii jeeda goobaha ay ku dagaalamayaan malayshiyo Beeleedyada walaalaha ah ee wada dega gobolkaas.
Waxgaradka iyo odayaasha ka ambabaxay magaalada Jowhar ayaa ujeedka socdaalkooda lagu sheegay inuu yahay sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen Beelaha walaalaha ah ee in muddo ah ku dagaalamaya tuulooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe.
Nabadoon Yuusuf Daqare oo ka mid ah odayaasha maanta ka ka ambabaxay degmada Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanada lagu dagaalamayo ee gobolka wuxuuna tilmaamay in dhinacyada dagaalamaya ay intii karaankooda ah ay xalin doonaan khilaafaadka dhexdooda ah.
Waxgaradka iyo odayaasha maanta ka socdaalay degmada Jowhar ee ku baxay goobaha ay ku dagaalamayaan malayshiyo beeleedyada kasoo kala jeeda Beelaha wada dega tuulooyinka ku teedsan Wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa la filayaan inay wax ka keenaan dagaalada daba dheeraaday ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Shabeelaha Dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho