Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada Soomaaliya oo maanta miinooyin kasoo bixiyay qaar ka mid ah Nalalka cadceedda ku shaqeeya ee ku xiran wadada Sodonka ee M/ Muqdisho

$
0
0

raxanreeb 2Muqdiso(RBC Radio) Ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta howlgallo miino baaris ah ka sameeyey qaar ka tirsan wadooyinka magaalada Muqdishi ee caasimadda Soomaaliya, waxayna kusoo  qabteen miinooyin lagu xiray qaar ka mid ah Nalalka cadceedda ku shaqeeya ee ku xiran wadooyinka Muqdisho.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka sameeyey wadada dheer ee Sudonka ee magaalada Muqdisho, ciidamada ayaa kasoo baxshay qaar ka tirsan nalalka cadcedda ku shaqeeeya ee wadadaas laga hirgeliyay Miinooyin lagu xiray oo la doonayay in lagu qarxiyo Nalalkaas.

Qof degen xaafadda Furayaasha ee degmada warta-naba ee gobolka Banaadir ayaa warbaahinta Raxanreeb u sheegay in saakay waabarigii uu maqlay labo qarax oo ka dhacay jidka Sodonka wuxuuna sheegey inuu arkeen labo ka mid ah Nalalka lagu xiray wadadaas oo dhulka yaalla oo ay soo rideen qaraxyadii ka dhacay jidka Sodonka.

Qofka qoob joogaha ah ayaa sheegay in wax yar ka dib ay goobta soo gaareen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya wuxuuna xusay inay bilaabeen baaritaanno ay ku samaynayaan Nalalka cadceedda ku shaqeeya ee ku xiray wadada Sodonka wuxuu inoo xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadadaas kasoo qabteen Miinooyin badan oo lagu xiray nalalka ku xiran jidka Sodonka.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles