Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qayla Dhaantii ugu horeesey oo laga helay Dadkii Dabayluhu ku hardiyeen Xeebaha Gobolka Nugaal (Sawirro).

$
0
0

 vlcsnap-2013-11-14-00h34m19s121

 

Garoowe (RBC RADIO) Inta u dhaxaysa Degmooyinka Eyl iyo Dangoronyo ee Gobolka Nugaal oo ay Haleeshay Roobkii Da’ay Xoogiisa xoolo badannah ay ku dhinteen ayaa waxaa la gaarsiiyay Gurmadkii ugu Horeeyey oo la gaartay Hay’ada Kaalo Dadkaasi ayaa xaaladooda ay Aad u liidatay waxayna ahaayeen Reer Guuraa marba meel u raadsada naqa isla markaana daga, waxaana sida ay dadkaasi sheegayaan ku dhawaad kaga dhintay  Roobabkii Da’ay in ka badan Kun iyo Shanboqol oo Ari ah waana dadkii ugu horeeyey oo xog bixiya si toos ahna dhibaatooyinkooda loo arko.

 vlcsnap-2013-11-14-00h30m20s34

Dadkan reer Guuraaga ah dhibaataduna haleeshay waxaa la gaarsiiyay Timir Buskud biyo iyo Bustayaal walina Gurmad adag ayeey u baahan yihiin dadkaasi oo codsiyo kala duwan laga soo duubay waxay sheegayaan in xaaladooda ay aad u liidato ayna doonayaan in loo soo gurmado lalana soo gaaro waxay cunaan waxay huwadaan iyo Meel ay gabaad sadaan, codsigooda oo badnaa wuxuu u dhacayaa sidan.

 vlcsnap-2013-11-14-00h32m15s174

“ Waxan ku nooleyn cunno yar oo gibin ah oo aan nagu filnayn waxaan dalbaneynaa Soor badan si aan baahida uga gudubno waxaan kaloo rabnaa Dawo oo Cuduro ayaa laga baqayaa in ay dilaacaan, waxaan haystay anigu 530 Neef hal iigama harin kulli waa Bakhtiyeen Awal alle ayaa ina siiyay oo shalay taajir ayaan ahayn maantana faqri baa nahay waana maqaadiir alle waxaan Dowlada Puntland iyo Umada Soomaaliyeedba ka Codsanayaa in ay na gar gaaraan  waxa nagu dhacayna waa wax laga noxo mudana kasoo kaban meyno qasaaraha nagu dhacay.

 vlcsnap-2013-11-14-00h34m51s194

“ anigu waxaa lay yiraahdaa Cayduruus Jaamac Ciise Amar alle ayaa nagu dhacay Daad Dabayl iyo Roob baa nasoo galay way nadhaafeen Xoolihiina way la tageen Arigeygu wuxuu ahaa 435 Neef oo aan sakadii ka bixiyay midna kama hayo Maanta waan ka fara maranahay Alle ayaa awalba isiiyay hadana isagaa iga ceshaday, waxaa iigu daran maanta Xoolo la’aanta I haysa Inaan haysan wax aan cuno iyo Wax aan cabno iyo dawooyinkii waxaan dalbaneynaa in naloo soo gurmado.

 vlcsnap-2013-11-14-00h31m59s7

“Aniga waxaa ley yiraahdaa Aamina Axmed waxaan joogaa hada Dhul- waraabe Dee waxaanu haysanay Maal farabadanoo Ari u badan dee waa inoo jeedaan alle sidaan ayuu inoo galay raali baana ku nahay war kale ma hayo aan ka ahayn in xooleheenii uu Daadka la tagay sidaana ay ku dhinteen, wax aan fileynay maahan laakiin wax walba waa qoran yihiin waana ku sabreynaa, fadlan dadka naga gaarsiiya iyo maamulkaba hanoo soo gurmadeen moral dilaac ayaa nagu dhacay wallaahi, sidaana waxaa yiri qaar ka mid ah Dadkii Musiibadu haleeshay.

 vlcsnap-2013-11-14-00h30m47s59

Gurmadka  la gaarsiinayo dadkan ayaa marba marka kasii dambeysa sii balaaraneysa iyadoo Magaalooyinka Puntland ay ka bilowdeen si xawli ah Maalmihii ugu Dambeeyey waxayna dadku soo aruurinayaan Raashin Cayriin ah Bustayaal Timir iyo LAcago ay Acounada loo tilmaamo ku shubayaan taasi oo ka dhigaysa in shacabka ku dhaqan Magaalooyinka   waa wayn ay aad uga damqadeen kaalinna ka qaadanayaan Walaalohood ku dhibaatoobay deegaanada miyiga ee Duufaanadu asiibeen.

vlcsnap-2013-11-14-00h35m29s62vlcsnap-2013-11-14-00h34m30s238vlcsnap-2013-11-14-00h34m10s33vlcsnap-2013-11-14-00h31m41s72vlcsnap-2013-11-14-00h31m19s105

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles