Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya mudane C/kariin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo wafdi la socday ayaa maanta kurmeeray xaruntii hore ee agoonta ciidamada xoogga dalka oo hadd laga wado dib u dhis,C/kariin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in xaruntii hore ee agoonta ciidanka xoogga Soomaaliyeed laga dhigi doono xarun lagu tababaro saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa soo kormeeray dhismaha ka socda xarunta wuxuuna sheegay in xarunta dib loo casriyayn doono oo lagu tababari doono saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi wasiirka gaashaandhigga xukuuumadda Soomaaliya ayaa xusay in xarunta cusub ee loo diyaarinayo in lagu tababaro saraakiisha ciidamada xoogga dalka ay ka qayb qaadan doonto dib u dhiska iyo tayaynta ciidamad qalabka sida ee dowladda Soomaaliya
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda Difaada dowladda Soomaaliya ay maalgelinayso dhismaha ka socda xaruntii hore ee agoonta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in wasaadarra Difaaca Soomaaliya ay maalgelinta kala kaashanayso dowladaha Soomaaliya saaxiibka dhow la’ah.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud ayaa dhinaca kale soo dhoweeyey go’aankii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe ee la xiriiray kordhinta lagu sameeyey ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo tayaynta ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqia ayaa sidoo kale soo dhoweeyey warkii kasoo yeeray dowladda Ethiopia ee ku saabsanaa in ciidamada Ethiopia ee gudaha Soomaaliya ku sugan ay ka qayb noqon doonaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
RBC Radio