Garoowe (RBC RADIO) Digreeto kasoo Baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/Raxmaan Faroole ayaa lagu magacaabay Gudiga sare ee Amniga Puntland Xiliga Doorashooyinka kuwaasi oo qaabilsanaan doona arimaha Nabadgelyada inta ay Doorashooyinku socdaan si nabadgelyada loo adkeeyo loogana digtoonaado dhibaatooyin dhaca sida Digreetada lagu xusay.
Xubnaha Digreeda ku xusan ee Gudigan ku jira waxaa ugu Horeeya:
Madaxweynaha Puntland Dr C/Raraxmaan faroole
Madaxweyne ku xigeenka General C/samad Cali Shire
Wasaarada Amniga Puntland
Wasaarada Maaliyada Puntland
Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Puntland
Taliyaha Sirdoonka Puntland.
Sidoo kale waxaa Digreetada lagu xusay in Taliyaha Hawlgalka Doorashooyinka Puntland loo Magacaabay Sareeye guuto Siciid Maxamed Xirsi oo horayna u ahaa Taliyaha Ciidanka Darwiishta Puntland Si uu u Maamulo Dhamaan Ciidamada Amaanka sugaya Maalintaasi oo ah Maalin si wayn Shacabka Reer Puntland iyo Soomaliya inteeda Badanba insha lagu hayo aadna loo hadal hayo qaabka ay u qabsoomi doonto iyo waxa kasoo bixi doona.
Magacaabida Gudigan waxay Imaaneysaa iyadoo Doorashooyinka Puntland ay ka harsan tahay wax ka yar 56 Cisho ayna xilka Madaxtinimo ee Puntland isu soo taageen Musharaxiin kor u dhaafaya 10, inkastoo wali uusan si toos ah u bilaaban Hardanka siyaasadeed ee Musharaxiinta kaasi oo xoogiisa bilaaban doona Bisha ina soo aadan.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.