Hargeysa (RBC) Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Daallo Airlines ayaa maanta baalka ku dhufatay dhismaha weyn ee garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa xilli ay ku soo degeysay garoonka.
Diyaaradan oo rakaab siday ayaa la sheegay in markii ay degeysay ay baalka ku dhufatay terminalka garoonka diyaaradaha Hargeysa oo burbur uu soo gaaray.
Sarkaal ka tirsan maamulka shirkadda Daallo Airlines ayaa xaqiijiyey in diyaaradooda markii ay degeysay ay ku dhacday terminalka garoonka balse uusan jirin wac dhibaato ah oo dadka soo gaaray.
Waxaa lagu soo waramayaa in dhaawac uu gaaray diyaaradda iyo dhismaha terminalka ee ay diyaaradu ku dhufatay baalka markii ay degeysay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay wasaaradda duulista hawada ee maamulka Somaliland iyo shirkadda Daallo lafteeda ooo rasmi ahaan ay uga hadleen shilkan maanta ka dhacay garoonka Hargeysa oo dhowaan dib u dhis lagu sameeyay.
Qof ka tirsan shaqaalaha garoonka Hargeysa ayaa u aaneeyey shilkan mid ku yimid ka dib markii hagihii diyaarada soo dejinayey uu si khaldan ugu soo dhoweeyey dhismaha terminalka taasoo ku timid qiyaas xumo isla markaana sababtay in diyaaradu ay garabkeeda ku dhufato dhismaha.
Dhinaca kale ururka mucaaradka ee Wadani ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay eedeynkulul u jeediyeen xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda duulista hawada oo ay sheegeen inay ku fashilantay inay wax ka qabato garoonka.
C/rashiid Maxamed oo ka mid ah masuuliyiinta Wadani ee shirkan ka hadlay ayaa sheegay in illaa hadda aanu jirin wax dhisme ah ama dheeraad ah oo lagu kordhiyey garoonka Hargeysa, diyaarihii ku degi jirey magaalada Berberana loo soo wareejiyey Hargeysa.
RBC Radio