Beledweyne(RBC Radio) Kulan balaaran oo looga hadlayay aayaha gobolka Hiiraan ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa looga arinsaday sida ugu wanaagsan ee maamul rasmi ah loogu samayn karo gobolkaas.
Shirka ay yeehseen odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa waxaa kasoo baxay labo qodob oo muhiim u ah dadka gobolka Hiiraan, qodobka ugu horeeya ayaa ah in gobolkaas lagu qabto shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo Beelaha dega gobolkaas iyo in gobolkaas laga saaro ururka Alshabaab.
Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shirka dib u hesheesiinta ah ee loo qabanayo dadka ku nool gobolka Hiiraan ujeedkiiso yahay in dib u heshiisiin raali laga wada yahay loo sameeyo Beelaha dega gobolkaas, waxayna dowladda Soomaaliya ka dalbadeen in shirkaas ay ka taageerto dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha si loo xaqiijiyo hab fadaraaleedka maamul samaynta gobolada dalka.
Waxgaradka iyo odayaasha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in deegaanno badan oo gobolkaas ka tirsan ay gacanta wali ku hayaan ururka Alshabaab , waxayna tilmaameen inaysan suurto gal ahayn in maamul dhamaystiran laga sameeyo gobolkaas maadaama ay deegaanno badan wali gacanta ku hayaan Alshabaab, waxayna tilmaameen in marka laga xoreeyo Alshabaab gobolkaas uu si waafi ah u guulaysanayo hamiga Dowladda Soomaaliya ee maamul samaynta gobolka Hiiraan.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho