Sh/dhexe(RBC Radio) Wararka laga helayo deegaanka Ruur-nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay duulaan ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku dhaqan deegaankaas,iska hor imaadka dhexmaray labada dhinac ayaa lasoo sheegayaa inuu dhaliyey dhimashada Labo ruux oo mid ka mid ahaa la tilmaamay inuu ahaa horjoogihii ciidamada Al-shabaab ee weerarka ku qaaday deegaankaas.
Qofka kale ee dhintay ayaa la tilmaamayaa iney ahayd haweeneyd ka mid ahayd dadka deegaanka,muran ayaa la tilmaamayaa inuu muddooyinka danbe ka dhex taagnaa dadka deegaanka iyo Al-shabaab,xiisado colaadeed ayaa lasoo sheegayaa iney ka taagan yihiin deegaankaas.
Ciidamo aad u tira badan oo gurmad u ah Al-shabaabka dagaalka ku galay deegaanka Ruur-nirgood ee Shabeelaha dhexe ayaa lasoo sheegayaa iney kasoo ambabexeen degmada ceeldheere ee gobolka Galgaduud,dhanka kale dadka deegaanka ayaa la sheegayaa iney ku jiraan is abaabul iyo diyaar garow ay ku doonayaan iney kaga hortagaan duulaanka kaga soo wajahan Al-shabaab.
Inta badan khilaafaadka soo kala dhexgala Al-shabaab iyo bulshada ku dhaqan gobolada ay maamulaan ayaa ka dhasha kadib marka ay dadka xoolaha dhaqatada ah ay ka biyo diidaan iney bixiyaan lacago iyo xoolo Sakawaad ah oo ay dadka ku qoraan,kuwaas oo ay ku sheegaan iney ku xoojinayaan dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya.
RBC Radio