Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliyaha booliska Soomaaliyeed oo maanta Beledweyne gaaray,agab ciidanne gaarsiiyey booliska gobolka Hiiraan

$
0
0

taliyaha 2Muqdisho(RBC Radio) Taliska booliska Soomaaliyeed ayaa maanta agab Milateri gaarsiiyey ciidamada booliska Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan,wafti ballaaran oo ka kooban saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo uu horkacayey taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa gaarsiiyey qalab ciidan booliska Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan.

Gen. C/xakiin Daahir ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee duleedka magaalada Beledweyne si diiran ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,saraakiisha ciidamada,odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa ku wareejiyey saraakiisha booliska Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan agab u badnaa Dirayska ciidamada booliska,wuxuuna kormeer ku tagay dhowr meelood oo uu ka mid yahay saldhigga booliska degmada Beledweyne.

Col.Islaax Cali Cabdulle taliyaha qaybta booliska gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey saanadda Milateri ee uu booliska gobolka Hiiraan gaarsiiyey taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in tallaabadani ay kaabayso hormarinta ciidanka booliska gobolka Hiiraan.

Wuxuuna xusay iney baahi weyn u qabeen agabka ciidan ee maanta la gaarsiiyey ciidamada booliska gobolka Hiiraan,taliyaha ciidamada booliska ayaa 50 askari oo ka tirsan booliska gobolka Hiiraan usoo qaaday magaalada Muqdisho si loo siiyo tababar kor loogu qaadayo heerkooda aqooneed.

Waa markii ugu horeysay ee taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Siciid Saacid uu gaaro magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan

 

 

RBC Radio.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles