Nairobi (RBC) Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weeraro qaraxyo iyo si toos ahba loogu qaaday xarumo ku yaalla magaalooyinka Mandheera iyo Wajeer ee dalka Kenya.
Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in ugu yaraan labo sarkaal oo boolis ah lagu dilay, tiro dad ahna ay ku dhaawacmeen ka dib markii weeraro loo maleynayo inay qaadeen kooxo Al Shabaab ka mid ah ay ku qaadeen xarumo ku yaalla Mandheera iyo Wajeer.
Weerarka Wajeer ayaa lagu qaaday xarun booliska ay leeyihiin iyadoo weerarkaasi kadibna lala beegsaday rasaas toos ah, waxaana weerarkan uu sababay inuu joogsado dhaqdhaqaaqa magaalada. Wajeer waxaa ku yaalla garoon diyaaradeed oo ay ku soo degtaan diyaaradaha ka yimaada Soomaaliya kahor inta aysan ku degin Nairobi.
Weerar kale oo ka dhacay magaalada Mandheere xalay ayaa la sheegay in lagu qaaday ciidamo booliska Kenya ka mid ah, kuwaasoo dhaawacyo ka soo gaareen.
Ururka Al Shabaab ayaa bog cusub oo twitterka ay ku yeesheen waxay ku sheegteen inay weerareen xarumo ciidamada Kenya leeyihiin, ayna gubeen illaa 11 baabuur oo ay leeyihiin booliska.
Xaalada labada magaalo ayaa aad u kacsan, waxaana cabsi ay la soo deristay dadka ku nool magaalooyinkan iyadoo labada weerar ay ku soo beegmeen kadib markii afar maalmood ay rag ka tirsan Al Shabaab xoog ku heysteen dhismaha Westgate ee magaalada Nairobi.
Dhinaca kake taliyihii booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa xilka laga qaaday maanta, iyadoo isla maanta wasaaradda gudaha ay ku dhawaaqday magacaabista taliye cusub.
Xil ka qaadistan ayaa loo aaneynayaa fashil ku yimid ka hortagida weerarada lagu qaaday magaalooyinka Mandheera iyo Wajeer.
RBC Radio