Kampala[RBC Radio]Taliyaha ciidamada dalka Uganda Gen. Katumba Wamala ayaa markii ugu horeysey si cadd u sheegay in xiligaan AMISOM ay waddo qorsho lugu kordhinayo ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya kuwaaso dalka u jooga sugida amniga,iyagoona dagaallo xooggan kula jira kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee al-Shabaab.
Waxaa xiligan guddaha Soomaaliya ku sugan ciidamo ku howlgalla magaaca AMISOM waxana ay ka kala socdan dalal dhoor ah oo Afrikan ah waxana xiligan tiradoodu gaaraysa 17,731 askari,waxana Ger:Katumba Wamala taliyaha ciidamada dalka Uganda uu sheegay in xiligan qorsha ciidamada AMISOM uu yahay sidii ay guud ahanba dalka Soomaaliya ay uga talin lahaayd dowladda faderaalka Soomaaliya oo xiligan deegaanno cayiman ay ka maqan yihiin gacanta kuwaaso ay gacanta ku hayaan kooxda al-Shabaab.
Ger:Wamala sidoo kale waxaa uu hadal kiisa kusoo qaday in ciidamada xiligan jooga Soomaaliya ee ku howlgalla magaaca AMISOM lagaarsin doono 20,000 oo askari ama 25,000 ,waxana uu tilmamaay in tiradda ciidama ay dheer tahay howlgallada AMISOM oo ay si buxda uga qeyb qadan doonan diyaaradaha qummaatiga u kaca,waxana uu racshay in qorshahooda dhow uu yahay sidii gud ahanba dalka ay uga saari lahaayeen al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.
Hadalkaan oo uu taliyuhu saxaafadda ku siiyey isago ku sugan wasaaradda gaashaandhigga dalka Uganda,ayaa waxaa uu hadal kiisa racshey in ciidamada Meletariga iyo sirdoonka dalka Uganda u diyaar garooben ka jawaabida isku day kasta oo ay soo qorsheyan al-Shabaab inay ka geestan dalkiisa Uganda,waxana uu inta ku daray in arrintan ay timid kadib markii weerar lugu qaday dhismo ganacsi oo ku yaalla Nairobi.
Si kastaba hadalka taliyaha ciidamada dalka Uganda waxaa uu ku soo aadaya xili guddaha Soomaaliya ay ka howlgallan tiro ciidamada ah kuwaaso ku howlgalla magaca AMISOM,waxana wali guul laga gaarin xasi looni dhab ah oo dalka ka dhaqan gasha taaso ah sababta ciidamadan loo kenay guddaha Soomaaliya.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio