Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

DAAWO SAWIRO: Naqshadda Cusub ee lugu waddo in loo dhiso Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde Muqdisho

$
0
0

Muqdisho[RBC Radio]Sida lugu soo bandhigay bogga idaacadda ku hadasha afka dowladda faderaalka Soomaaliya,waxaa shaaca laga qaday dhismaha la doonayo inuu noqdo garoonka diyaaradda ay ka duulan kuna soo dagaan ee ku yaalla magaaladda caasumada ah ee Muqdisho.

Garoonka Aadan Cadde waxaa xiligaan la waregtay shirkadd laga leeyahay dalka Turkiga ee FAVORI LLC ,kadib markii dowladda faderaalka Soomaaliya heshiis ay kula gashay shirkadda maamulada howlaha garoonka iyo shaqooyinkiisa.

Sidoo kale dowladdu waxay shirkad hisheeska ay lagashay qeyb ka ah in dayactir ballaaran lugu sameeyo garoonka,si uu uga mid noqdo garoomada caalamiga ah ee dunidda ku yaala.

Shirkadda FAVORI LLC naqshada dhismo ee ay soo bandhigtay haddii laga dhabeeyo waxaa uu qeyb ka noqonaya garoomada uga caalamisan kuwa ku yaalla qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ku taallo.

Si kastaba naqshadan waxay ku soo aadaysa xili garoonka diyaaradda ee Muqdisho ay ka socdaan mashul ku aadan dadka ka soo dagaya iyo kuwa ka dhoofaya.

Haddaba Hoos ka Daawo sawirro muujinaya naqshada lugu wado in loo dhiso garoonka diyaaradda ee ku yaalla magaaladda caasumada inoo ah ee Muqdisho.

1

2

3

4

5

6

7

7

8

9

10

11

13

14

___
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles