Sanca[RBC Radio]Maxadweynaha dowladda Puntland ee Soomaaliyed Dr.Cabdirixmaan Sheekh Maxamed maxamuud (Faroole) oo kusugan dalka Yemen ayaa kulamo la qatay madaxda ugu sareysa dalkaasi Yemen,waxana kulamada iyo shirarka uu la qatay masuuliyinta Yemen madaxweynaha uu ka la hadlay arrimo dhoor ah oo ay ugu mug weyneyd xiriirka labada dhinac iyo xoojintiisa.
Cadirixmaan Faroole madaxweynaha Puntland ayaa si gaar ah ula kulmay madaxweynaha dalka Yemen Cabddul Rabbi Mansuur Haadi iyo Ra’iisul wasaare Basindawa,waxana kulamada uu madaxda la qadanayey madaxweynaha ku waheliyey xubno ka tirsan gollaha wasiiradda oo socdalka ku waheliyey waxana ka mid ahaa wasiirka caafimaadka Cali Cabdillaahi Warsame, wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.
Arrimaha sida weyn madaxda labada dhinac ay falan qeeyen waxaa ka mid ahaa sidii loo sii xojin laha xirirka iskashiga iyo ganacsiga ah ee u dhaxeeyey Puntland iyo Yemen oo dana badan oo labada dhinacba kawada shaqeeyan.
Waxaa sidoo kale laga wada-hadallay xiriirka u dhaxeeya, Amniga sida argaxisada, burcad badeedka iyo Tahriibta. Iyo weliba horumarinta xiriirka dhaqaaale sida bangiyada, duulimaadka iyo kalluumeysiga.
Madaxweynaha Yemen Cabddul Rabbi Mansuur Haadi oo hadal ka jeediyey kulan ballaaran oo u la qaday madaxweyne Faroole ayaa si weyn waxaa uu ugu mahad-celiyey socdalka ay dalkiisa kusoo gaaren madaxda ka socda Puntland ee uu hoggaaminayo madaxweyne Faroole,waxaa uu sidoo kale madaxweynaha Yemen hadalkiisa kusoo qaday in xiriir lama ilaawan ah uu ka dhaxeeyo Yemen iyo Puntland.
….”"”"Waxan ad inoogu farxad ah in waftiga Puntland ee uu hoggaaminayo Dr.Faroole,inay soo garan dalka Yemen,waxan xasuusnahay xiriirka qotadda dheer ee anuu la leenahay Puntland,waxan orankara wada shaqentena waa mid taarikhi ah,mar walba waxan jecelnahay inan kawada xaajono sidii loo si ad kenlaha xiriirka anagana way naga go’antay inan si hufan idin kula shaqeyn dhamaanba shacabka Soomaaliyed…”"‘ayuu yiri madaxweyne Cabddul Rabbi Mansuur Haadi .
Sidoo kale madaxweyne Faroole oo isna hadal ka jeediyey kulanka ayaa waxaa uu ka mahad-celiyey soo dhaweynta iyo qaabilada loo sameeyey isaga iyo waftigiisa,waxana uu dhankiisa soo qaday inay ka go’antahay xoojinta wada shaqeynta ay Puntland la leedahay Yemen.
Dhinaca kale madaxweyne Faroole waxaa uu hadal kiisa si cadd ugu soo qaday mahad-celin ballaaran oo uu u jeediyey shacabka iyo dowladda Yemen waxana uu uga mahad-celiyey sida wanagsan ee ay dowladda Yemen u qaabishey malaayinta Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiyadda dalka Yemen,waxana uu sheegay in taasi ay ogsonyihiin dhamanba shacabka Soomaaliyed ayna kaga mahdinayan dadka iyo dowladda Yemen.
…”"”"Waxaa muqata soo dhaweyn iyo qabilad wanagsan oo ay dowladda Yemen noo sameysey,Puntland shacabkeda iyo dowladdeda waxaa ka go’an xoojinta xiriirka anu la leenahay dowladda Yemen,waxaa ay ogson yihiin shacabka Soomaaliyed soo dhaweynta iyo joogitanka Soomaalida tiradda badan ee dalka Yemen ku jooga qaxootinimada taasan siweyn ban uga mahad-celinayna shacabka iyo dowladda Yemen…”"”ayuu yiri madaxweyne Faroole.
Socdaalka madaxweynaha Puntland iyo waftigiisa ay ku joogan dalka Yemen waxaa uu qeyb ka yahay safaro ay ku soo maren dalal dhoor ah oo ay uga soo qeyb galen shirar caalami ah iyo kulamo.
______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio