Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid iyo waftigiisi oo Turkiga gaaray kulamana la leh madaxda dalka[Sawirro]

$
0
0

1

Ankara [RBC Radio]R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray dalka Turkiga gaar ahaana magaaladda caasimda ah ee Ankara ,waxana socdalka Ra’isul wasaaraha ka danbeyey kadib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’isul Wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Ordogon.

Socdalka R/wasaaraha ayaa yimid ka dib markii uu soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku joogay magaaladda Geneve ee Switzerland oo uu kaga qaybgalay kulankii Golaha Xuquuqul ?nsaanka Qaramada Midoobay ee looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqul ?nsaanka Soomaaliya.2

Waxaa ku waheliya safarka R/wasaaraha xubno ka tirsan xukuumadadisa waxana qeyb ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Cadaaladda, Mudane Cabdulaahi Abyan Nuur, Wasiiru-dawlaha Arimaha Dibadda iyo ?skaashiga Caalamiga , Mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Adeega Bulshada, Drs. Maryan Qaasim, Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, Nadiifo Maxamed Cismaan iyo qaar ka mid ah la-tal?yayaasha Ra’isul Wasaaraha Soomaal?ya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta oo waxaa uu kulamo la qaadan doona Ra’isul Wasaaraha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogon iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Turkiga Mudane Bekir Bozdag iyadoo laga wada hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Xukuumada Ra’isul Wasaarahe Rajab Dayib Ordogon ayaa mudooyinkii ugu danbeyey guddha magaaladda Muqdisho ka wadey dibu dhis ballaaran,taaso ay sheegtay dowladda Turkiga inay ku saacideyso shacabka Soomaaliyed sidii ay uga soo kab san lahaayeen dhibaatadi ay ku soo jiren 22-sanno ee bur burka dalka uu ka jiray.

3

 

2

1

_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gnail.com
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles