Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Puntland oo Fasaxday Baahinta Idaacadaha Hirad, Barkulan, iyo Ergo kadib Xanibaad mudo badan saarnayd (Warbixin).

$
0
0

2

Garoowe (RBC RADIO) Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Isgaarsiinta Hidaha iyo dhaqanka Puntland Axmed Sheekh Jaamac Yuusuf ayaa Maanta Xayiraada looga qaaday 3 idaacad oo dibada ku yaala kuwaasi oo ay Puntland  hakisay in laga siidaayo Idaacadaha ka diiwan gashan Deegaanada Puntland oo ay xiriir wada shaqeenayd ay ka dhexeesay waxayna Sababtu Wasaaradu u cuskatay in Idaacadaha Puntland ka faa’ideystaan Saxaafada Dibada kana dhexlaan sida  qoraalka loo dhigay Waayo-Aragnimo, Horumar-Saxaafadeed,iyo Xiriir Faa’iidooyin lagu kala kororsado.

 

Idaacadaha la fasaxay oo ay ka mid yihiin Barkulan, Hirad,iyo Radio Ergo ayaa laga soo dayn jiray Idaacadaha Daljir, 1Nation iyo Codka-Nabada waxaana kal hore lagu eedeeyey iDaacadahan in aysan baahin wararka hormarineed ee Puntland balse ay faafiyaan warar been abuur ah iyagoo wareysan jiray dad aan magac ku lahayn Deegaanada Puntland inta Xunna soo gudbin jiray sida lagu xusay Qoraal kal hore Wasaarada Warfaafintu soo saartay xiligaasi oo uu hogaamiye u ahaa Maxamuud Caydiid Dirir oo loo wareejiyay Wasaarada Qorsheynta.

 

Idaacadahan lasii daayay ayaa intooda badan waxay xooga saaraan kana hadlaan arimaha Xuquuqul insaanka iyo u qareemida dadka laga tirada badan yahay waxayna soo gudbiyaan barnaamijyo wacyigelineed oo looga hadlayo sare u qaadida Caafimaadka iyo Waxbarashada Deegaan kasta oo ay Soomaalidu Degto waxaana ku yar Barnaamijada ay Soo tabiyaan dhanka Siyaasada Dalka ka jirta faaqidaadeeda.

Ibrahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles