Växjö[RBC Radio]Ka dib markii tiro dhalinyaro ah oo lugu shaaciyey bogga Twittwer-ka ay ku leeyihiin xooggaga al-Shabaab,oo la sheegay inay qeyb ka yihiin kooxda hubeysan ee weerartay dhismaha ganacsiga ee Westgate ayaa arrinta waxa beeniyey labo dhalinyaro ah oo ka mid ahaa magacyadii la xusey iyagoo ku sugan dalka Sweden.
Saaxafada caalamka iyo mida Soomaalida ayaa faa-fiyey magacyada lugu soo qoray bogga al-Shabaab ay ku leyihiin Twittwer-ka,waxana ay qaaten tiro dhalinyaro ah kuwasao inata badan la sheegay inay ka yimaaden wadamada Yurub,waxana la sheegay inay yihiin kooxda weerarka ku qaday Westgate.
Jariidadda Expressen ee ka soo baxda dalka Sweden ayaa la kulantey labo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyed ee ay al-shabaab sheegen inay qeyb ka yihiin weeraraka Westgate,xili ay joogen hoygooda oo ku yaala magaalada Växjö ee dalka Sweden.
Labada dhalinyarada ah ee xiligan beeniyey layabna ku tilmaamay markii ay ku arken magacyada ay soo bandhigeen al-Shabaab oo ay ku sheegen inay qeyb ka yihiin dhalinyarada weerarka ku qaday dhismaha ganacsiga iyo tamashleynta canka ku ah ee Westgate ayaa lugu kala magacaaba Ismaaciil oo ah 19 jir iyo Mohammed oo ah 21 jir kuwaas oo ku sugan guriga ay ka degan yihiin magaalada Växjö ee koonfurta Sweden,waxana ay ka soo jeedan asal ahaana Soomaaliya,waxana Jariidadda Expressen ay u sheegen inay la yaaben marki ay arken magacyadooda oo ka dhex muqda magcyada la xusey inay ka mid yihiin kooxda hubeysan ee qabsatay Westgate.
Sidoo kale dhalinyaradaan waxay Jariidadda Expressen si cadd ugu sheegen in aysan weligoodba xiriir la sameyn xarakada alshabaab.
__________
RBC Radio