Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20276

Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Muqdisho kulan ku yeeshay

$
0
0

baarlamanka 2Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo Muqdisho maanta kulan ku yeeshay ayaa ka dooday qodob la xiriira in xeer hoosaadka baarlamaanka lagu daro in  xukuumadda federaalka Soomaaliya golaheeda wasiirada mid mid codka kalsoonida loogu qaado.

Kalafadiga Saddexaad Kulankiisa Shanaad ee mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu maanta shir gudoominayey  kugoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Mudane Jaylaani Nuur Iikar ayaa ka mid ahaa Ajandayaashiisa qaybtinta waraaqaha heshiiskii ay dowladdu la gashay shirkadda cusub ee lagu wareejiyey maamulka garoonka Aadan Cadde iyo ka doodida qodob la xiriira in xeer hoosaadka baarlamaanka lagu daro qodob sheegaya in golaha wasiirada marka codka kalsoonida loo qaada mid mid loogu codeeyo.

Mudanayaal dhowr ah ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobka doodda,waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Xaaji Cabdi oo isagu kasoo horjeestay soo jeedintaas,wuxuuna sheegay in hadii la meelmariyo qodobkaas iney dood iyo isqabqabsi ka dhexbilaaban doono mudanayaasha baarlamaanka,wuxuuna codsaday in qodobkaas sidiisii hore loo daayo oo ahayd in xukuumadda idilkeed mar qura codka kalsoonida loo qaado.

Gudoonka baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar ayaa faray xog-haynta baarlamaanka in la tira koobo mudanayaasha baarlamaanka ee madasha fadhiya si cod loogu qaado qodobkaas,wuxuuna shaaciyey in mudanayaasha kulanka fadhiya ay tiradoodu tahay 107 Xildhibaan sidaas darteedne uusan dhamayn Kooramka baarlamaanka aysanne dhici karin codayn.

Wuxuuna ka dhawaajiyey cod u qaadista qodobkaas dib loogu dhigtay kulamada  so socda,isagoona soo xiray kulankii baarlamaanka.,Mudanayaasha baarlamaanka ayaa dhowr jeer kulamadoodu waxay ay u baaqdeen Kooram la’aan,Mudanayaal ka badan 50 xildhibaan ayaa xiligan ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ay ka wadaan dhismaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20276

Trending Articles