Muqdisho(RBC Radio) Al-shabaab ayaa war ay goordhaweyd ku qoreen bar cusub oo ay ka furteen Aaladda Twitterka waxa ay ku beeniyaan warka kasoo baxaya dowladda Kenya ee ku saabsan iney dhammaan badbaadisay dadkii u qafaalnaa kooxda Al-shabaab ee haysata Suuqa Westgate.
Warka kasoo baxay Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dableyda ka tirsan Al-shabaab ee ka dagaalamaya Westgate iney wali gacanta ku hayaan la haystayaal aysan tiradooda cayimin,waxayna tilmaameen iney inta badan gacanta ku hayaan dhismaha Westgate.
Al-shabaab ayaa ku hanjabay iney dilayaan la haystayaasha ay gacanta ku hayaan hadii Kenya ay sii waddo cadaadiska iyo culeyska ay ku hayso dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka dhexdagaalamayo gudaha dhismaha xarunta Suuqa laga dukaamaysto ee Westage Mall.
Hadalka kasoo yeeray AL-shabaab ayaa jawaab u ah war ay saaka soo saartay dowladda Kenya oo ay ku sheegtay iney inta badan la wareegtay gacan ku haynta dhismaha lagu dagaalamayo isla markaane ay siidaysay dhammaan dadkii u afduubnaa AL-shabaabka ka dagaalamaya Westgate.
RBC Radio