Nairobi(RBC Radio) Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku amraya ciidamada dalkiisa iney si deg deg ah usoo afjaraan hawlgalka lagu badbaadinayo dadka ku afduuban dhismaha Suuqa Westgate oo maalintii Afaraad uu dagaal adag ku dhexmarayo ciidamada dalka Kenya iyo Dableyda ka tirsan Al-shabaab ee qabsaday xaruntaas.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo maanta barqadii khudbad u jeedinayey shacabka dalkiisa Kenya ayaa amar buuxa kusiiyey ciidamada dalkiisa iney sida ugu dhaqsaha badan usoo afmeeraan hawlgalka Westgate ee waqtiga faraha badan qaatay,wuxuuna tilmaamay in waxa dib u dhaca weyn keenay ay tahay iyaga oo sida uu sheegay mudnaanta siinayey badbaadinta nolosha dadka u qafaalan kooxda dhismaha qabsatay.
Uhur Kenyatta ayaa ku dhawaaqay hawlgalkii ugu danbeeyey ee kooxda Al-shabaab looga saarayo dhismaha Westgate,wuxuuna ka dalbaday shacabka dalkaas iney muujiyaan midnimo iyo isku duubni si looga adkaado waxa uu ku tilmaamay argagixisada caalamiga ah ee kusoo duushay Kenya.
Mr Kenyatta ayaa wacad ku maray iney ciribtirayaan kooxda ka dhexdagaalamaysa gudaha dhismaha Westgate,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney gacanta kusoo dhigi doonaan,Madaxweyne Uhuru ayaa xusay in arintani ay taabanayso amniga qaranka dalkaas sidaas darteedne ay lagama maarmaan tahay in lasoo afmeero.
Wuxuuna dhanka kale u tacsiyeeyey guud ahaan shacabka dalkaas iyo gaar ahaan dadka eheladoodu ay ku waxyeeloobeen weerarka Westagate Mall,Madaxweyne Kenyatta ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in Afar Maalmood ay xarunta Westgate gacanta ku hayaan kooxo yar oo argagixiso ah sida uu sheegay.
Lama oga waxa uu ka bedeli karo hadalka Madaxweyne Uhuru Kenyatta xaaladda cakiran ee wali ka taagan dhismaha Westgate Mall oo maalintii afaraad ay ku hardamayaan ciidamada dalka kenya iyo kooxda ka tirsan Al-shabaab ee xaruntaas gacanta ku dhigtay Sabtigii.
RBC Radio