Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo gaaray magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay

$
0
0

madaxweynaheenaNew York(RBC) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo waftiga ballaaran ee uu hogaaminayo oo maalmahan danbe ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa gaaray Magaalada New York ee xarunta Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo uu dhawaan ka furmayo shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud  iyo waftiga uu horkacayo ayaa kasoo kicitimay gobolka Ohio ee dalka Maraykanka halkaas oo kulamo kala duwan ay kula soo qaateen madaxda gobolkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ohio.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa dalka Maraykanka u tagay ka qaybgalka shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka furmaya magaalada New York ee xarunta ummadaha Midoobay.

Madaxweynaha ayaa hore usoo maray gobolo ay ka mid yihiin Washington iyo Ohio ee dalkaasi Maraykanka.

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles