Nairobi[RBC Radio]Sida ay xaqiijiyeen ciidamada Militariga Kenya,weerar galay maalinti afaraad waxay sheegen inay togteen 6 ka mid ah kooxda hubeysan ee haysta suuqa caanka ku ah dalxiisayaasha iyo dadka dhaqaalaha haysta ee Kenya Westgate,Militariga intaa waxay ku daren inay soo furteen inta badan dadkii ku jiray gacanta kooxda hubeysan ee dhismaha qabsadey.
Militariga waxay si cadd u sheegen in weerar ay qaadeen xalay ay kula wareegeen inta badan gacan ku haynta xarunta ganacsiga ee Westgate,halka war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha lugu sheegay in militarigu ay dabaq-dabaq u baarayaan dhismaha si loo xaqiijiyo inay jiraan dad weli ku jira gudaha xarunta.
Sidoo kale war ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya waxaa lugu sheegay in la qabtay 10 qof oo lala xiriirinayo weerarkan, kuwaasoo hadda la weydiinayo su’aallo,waxana la sheegay in ciidamada Kenya weerarkan ay ugu dhawacmeen 11 askari kuwaasoo hadda lagu daaweynayo isbitaal uu leeyahay ciidanku.
Waxaa lugu wadda in dowladda Kenya goor dhow oo maanta ah ka warbixiso xaaladda rasmiga ah ee xarunta ganacsiga ee Westgate.
Si kastaba dhismahan intaa uu weerarka ka scday waxaa la sheegay inuu galaftay nolasha 62 qof inkastoo hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ay sheegtay in 69 qof ay ku dhinteen weerarka.
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio