Nairobi(RBC Radio) Dowladda dalka Kenaya ayaa shaaca ka qaaday iney bilaabayso waji cusub oo ay kula dagaalamayso kooxda Al-shabaab oo Sabtigii gacanta ku dhigtay dhismaha Suuqa Westgate Mall ee magaalada Nairobi,Wasiirka arimaha dibadda dalka Kenya Aamino Maxamed ayaa shaacisay iney bedelayaan hannaankii hore ee ay kula dagaalamayeen Al-shabaab dhismaha gacanta ku haya.
Aamina Maxamed oo waraysi siinaysay Janalka Al-Jasiira ayaa sheegtay in AL-shabaab ay lasoo bexeen waji cusub oo dagaal ah iyagane ay la gudboon tahay iney wax ka bedelaan qaabkii ay ula dagaalamayeen kooxda Al-shabaab ee gacanta ku haysa dhismaha Westgate,waxayna tilmaantay iney dib u qaabaynayaan weerarka ay ku doonayaan iney xarunta kula wareegaan.
Wasiirka arimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ragga xarunta ku jira uu ka dhexeeyo xiriir wada shaqayn,waxayna tibaaxday in saraakiisha ciidankooda ay bedelayaan khidadda hawlgalka ay kala horjeedaan Al-shabaab gudaha ugu jira Westgate Mall.
Waxayna hoosta ka xariiqday in weerarka Maalintii Afaraad ka socda Westgate uu yahay mid ay si weyn uga dhexmuuqdaan Al-qaacidda,waxayna ugu baaqday dalalka dunida iney dalkeeda ka caawiyaan dagaalka argagixisada caalamiga ah ay kusoo qaaday dalkeeda Kenya.
Aamino Maxamed ayaa la weydiiyey hadii dowladda Kenya ay tixgalinayso dalabka Al-shabaab ee ah iney ciidankooda kala baxaan Soomaaliya,waxayna sheegtay in Al-shabaab aysan afhayeen u ahayn bulshada Soomaaliyee,dalka Soomaaliya ayey tilmaantay iney ka jirto dowlad lasoo doortay oo Kenya ku casuuntay dalkeeda,waxayna carrabka ku adkaysay iney ciidankoodu ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Kenya ayaa tibaaxday in weerarka Westgate aan loo aanayn karin iney ka danbeeyaan dad Muslimiin ah,waxayna xustay iney iyadu Muslim tahay Diinta Islaamkune ay tahay diin Nabadeed oo aan ogoleen daadinta dhiigga dadka aan waxba galabsan.
RBC Radio