Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh Max’uud ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta xuquuqda aadanaha madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyey shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada kadib markii uu soo dhamaaday kulan uu la lahaa wakiilka qaramada midoobe u qaabilsan la socodka xuquuqda aadanaha dalka Soomaaliya Shamsul Baari.
Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay in dhowrista xuquuqda aadanaha ay ka dhexmuuqato dhamaan shaqada dowlada wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney u taagan yihiiin horu marinta dadka danta yar sida Haweenka,Carruurta Barakacayaasha iyo Qaxootiga oo uu sheegay iney diyaarinayaan qorshayaal lagu taageerayo wuxuuna tilmaamay in dhowrista xuuuqda aadanaha ay tahay in la garab istaago dadka daagta daran.
Madaxweyne Xasan Sh ayaa sheegay in dowladu ay diyaarineyso qorshe ay iskugu fidineyso guud ahaan gobolada dalka oo uu sheegay iney qorsheynayaan gaarsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah adeegyada bulshada deegaanada dalka sida caafimaadka,waxbarashada iyo ceelal biyoodyo ay dadka iyo xooluhu ka cabbaan.
Xasan Sh Max’uud ,madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii sheegay in dowlada SOomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay xubin uga noqon lahayd gudiga xuquuqda aadanaha qaramada midoobe taasine ay muujineyso sida ay dowlada Soomaaliya uga go’an tahay hor marinta xuquuqda aadanaha.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho