Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Magaalada Xudur oo Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ku Eedeeyey iney Masuul ka Yihiin Dhibaatada ka Dhalatay Ka Bixitaankii Ciidamada Isgarabsanaya

$
0
0

Bakool(RBC Radio) Maamulka gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya ayaa dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya dusha kaga tuuray  eeda ka bixitaankii magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ay dhawaan faarujiyeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa wadanka Itoobiya oo muddo sanad ku dhawaada gacanta ku hayey.

Gudoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Max’ed Macalin Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay si fudud uga baxaan magaalada Xudur oo qabsashadeeda dhibaato badan laga soo maray sida uu sheegay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka magaaladu aysan waxba kala socon bixitaanka Ciidamada isgarabsanaya wuxuuna tilmaamay iney la yaaban yihiin sababta keenta in magaalada ay si sahlan uga ruqaan sadaan ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay in hareera iyo gudaha magaalada Xudur ay ku lahaayeen dhufeysyo iyo xeryo milateri oo aad u waaweyn,wuxuuna tilmaamay in bixitaanka ciidamadu ay ku noqotay dhacdo lama filaan ah.

Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay qaadayaan masuuliyada shacabka lagu gumaaday magaalada Xudur kadib bixitaankii Ciidamada dowlada iyo Itoobiya oo ay alshabaab ku dileen qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaaladaas oo lagu eedeeyey iney la shaqeeyaan ciidamadii magaalada ka baxay iyo kumanaan qoys oo uu sheegay iney magaalada ka qaxeen kuwaas oo gaaray degmada Ceelbarde Gudoomiye Max’ed Macalin ayaa sheegay in waxaas oo dhibaato ah oo ku dhacday shacabka magaalada Xudur ay masuul ka yihiin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles