Gaalkacyo[RBC Radio]Kadib markii maalintii shalay munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyadda magaaladda Gaalkacyo xilkii looga qaday taliyihii qaybta booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad),ayaa waxaa arrinta ku gacan sayray oo shrci daro ku tilmaamay taliyaha xilka laga qaday.
Taliyihii qaybta booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad) ayaa ku gacan saysay xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay, taasoo ka soo baxday guddiga amniga qaranka Puntland.
Jaamac Maxamed Axmed, wuxuu si kulul u weeraray saraakiishii xilka ka qaaday, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwo ku dagdagay qorista warqadda xil-ka qaadista.
Taliyihii hore oo aan shalay ka baaqsaday munaasabaddii xil-wareejinta ayaa tilmaamay inuu ku yimid warqad madaxweyne, wuxuuna hoosta ka xariiqay unuusan u hogaansami doonin xil ka qaadista lagu sameeyay, wuxuuna carabka ku dhuftay in haddii la badalayo si nidaamka iyo sharciga huwan in loo badalo.
…”"”"Waxaa jirta in la iikenay warqad uu ku saxiixna wasiirka amniga,waxan la ii sheegay in xilka la iga qaday,tas waxan idin sheegaya inay tahay waxba kama jiran xilkaygana an sidii uu hayo,waayo aniga waxaa isoo magacaabay madaxweynaha Puntland Faroole,waxana ku imid dirkreeto madaxweyne tasana xilka kaga tagi kara,marka waa sharci daro xiligan jidka ay usoo maren sarakaisha ciidan,mana ii muqato qof u qalma xilkan oo loo dhibay,waayo nin shacab ah ayey xilkan u magacaaben…”"“ayuu yiri Jaamac Sandaqad oo ka biya diidan xilka qadis lugu sameeyey.
Waxaa uu tiliyuhu soo hadal qaday in aysan jirin ujeedo muuqata oo xiligan xilka looga qaadi karo maadama uu shegay in isbadal dhanka amniga ah uu ka dhaqan galiyey gobolka gaar ahana magaaladda Gaalkacyo.
…”"‘Aniga xilka waa layga gadi kara,kamana xumi lakin waddo an saxneen ayaa loo maray xilka qadistaydda,waxaa jirta wax qabad muqda oo an Gaalkacyo ka dhaqan galiyey,waxaa xusid mudan in isku dhacyo badan iyo xuduuda ay ka jiren Gaalkacyo balse markan xilkan qabtay waxan ku dadaalay in arrinta an baa’bi iyo taasna way ii sura gashay oo Gaalkacyo hadda waa amni…”"”ayuu yiri Sandaqad.
Jaamac Sandaqad, oo maanta waraysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inaysan haba yaraatee meelna ka soo galin sharcina aysan ahayn xil ka qaadista lagu sameeyay walina uu isku arko taliyaha sharcigaa ee qaybta bilayska gobolka Mudug.
Taliyaha ayaa ka digay inay dhibaato ka dhalato xil ka qaadista lagu sameeyay, uuna ku taaganyahay nidaam sharci ah.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com