Baardheere[RBC Radio]Al-Shabaab oo sheegatay inay gacant ku hayan xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi,ayaa markii ugu horeysey waxay kusoo bandhigeen Twitter-ka bogga ay ku leeyihiin magacyadda ragga haysta gurriga Westgate .
Magacyadda dhalinyaradda ay soo bandhigeen al-Shabaab oo ay sheegen inay weerarka ku qaden xarunta ganacsiga ee Westgate,ayaa mujinaya in intooda badan ay ka yimaaden dalalka reer galbedka iyo barriga dhexe.
Twitterka Al-shabaab ayaa la xiray xalay,ballse inta an la xireen ayey magacyadda kooxda heysata Westgate soo bandigeen.
Sidoo kale qoraalka oo uu xaqiijiyey Afhayeen Abu Muscab oo ka tirsan Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa lugu sheegay in weerarka ay ku qaaden dhismaha ganacsiga ee Westgate inuu ahaa mid qorshaysan oo si aad ah looga shaqeeyey.
Wararka ugu danbeeyey ee laga helayo dhismaha ganacsiga ee Westgate ayaa soo sheegaya in xaaladdu ay is-badashay kadib markii qaraxyo xooggan ay ka bilowden guddha dhismaha,waxana ay ciidanku sheegen in ay hal meel isugu geeyaan kuwa weerarka ku soo qaaday gurriga ganacsiga ee Westgate, balse kooxda ayaa dadka ay haysato iyo iyagaba hal meel isugu tegay.
Akhriso magacyada wiilasha dhalinyarada ee qabsaday suuqa Westgate.
1. Sayid N. ka yimi Kismayu, Somalia.
2. Zaki Jama C., ka yimi Hargeisa, Somalia
3. Said D., ka yimi Damascus, Syria
4. Mohamed B., ka yimi Aleppo, Syria
5. Qasim Said M., ka yimi Garissa, Kenya
6. Ismail G., ka yimi Helsinki, Finland
7. Ahmed Nasir S., ka yimi London, UK
8. Mustafa N., kayimi Kansas City, US
9. Abdishakur Sheikh H.,ka yimi Maine, US
10. Abdifatah Osman K., ka yimi Minneapolis, US
11. Ahmad Mohamed I., ka yimi Saint Paul, US
12. Abdikarem Ali M., kayimi Illinois, US
13. Shafie D., ka yimi Tucson, US
14. Abdirazak M., ka yimi Ontario (Canada)
15. Eliko M., ka yimi Dagestan, Russia
16. Mohammed A., ka yimi Svalov, Sweden
17. Moulid A., ka yimi Sweden
_____DHAMAD________
RBC Radio