Nairobi[RBC Radio]Waxaa markii ugu horeysey muddo saddex maalin ka dib ciidamada dalka Kenya ay shaaca ka qaden in ay gacanta u gashay xarunta ganacsiga ee westgate ee magaaladda Nairobi,kadib qaraxyo waa weyn iyo rasaas ka dhacday guddaha xarunta saacado ka hor.
Ciidamada Kenya sidoo kale waxay goor dhow shaaciyeen in tiro dad ah oo afduub loo haystay ay kasoo badbaadiyeen goobtaas, ayna dileen labo kamid ah kooxihii weerarka qaaday.
Joseph Ole Lenku oo ah xog-hayaha arrimaha gudaha ee Kenya ayaa si cadd u sheegay inay xarunta gacan ku haynteeda la wareegeen walow wali xabbado laga maqlayo goobtaas.
Saxaafadda ayaa laga durkinaya goobta ganacsiga westgate kadib markii uu shalay halka rasaas ka dhacday ku geryoodey mid ka mid ah wariyaasha ka howlgalla guddaha dalkaasi Kenya.
Dhinaca kale Tv-yadda dalkaa waxay soo qadanayey warar ku aadan howlgallka ka socda westgate,iyadoona dowladda Kenya saraakil u hadlay sheegen inay ogaatay cida ay yihiin raggii weerarka soo qaaday isla markaana ay baacsan doonto iyadoo la gaabsatay in saxaafada ay u faahfaahiso halka ay ka yimaadeen.
Wararka kusoo kordha warkan kala soco Raxanreeb.com
_______
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio