Hargeysa[RBC Radio]Magaaladd Hargeysa waxaa maantay dib ugu labtay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) kadib markii umudooyinkii danbe uu socdal dibadda ah uu ugu maqna Soomaaliland,waxana uu socdal ku tagay qar ka mid ah dalalka carab gaar ahana magaaladda Dubia.
Saylici oo ka soo degan garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasudamada uu ah Soomaaliland Hargeysa ayaa waxaa halka kusoo dhaweeyey xubno ka tirsan xukuumada oo ay qeyb ka yihiin wasiiro,waxana ka mid ah wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran Cadde, wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan,wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuuliyin kale.
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) madaxweyne ku-xigeenka maamulka Somaliland ayaa saxaafada kula hadlay guddaha goroonka diyaaradda ee Cigaal,waxana uu si faah-faah saxaafada ugu warbixiyey socdalkii oo qadat muddo toddobad ah oo uu ugu maqna Hargeysa,waxana uu tilmaamay in arrimo u gaar ah oo shaqsiyan ah inuu ugu maqna Soomaaliland,inaksto uu waxba kama jiran uu ku tilmamaay warer sheegayey inuu Soomaaliland madaxweye ku-xigeenku uu ugu maqna khilaf ka dhex jira isaga iyo madaxda maamulka,balse waxaa uu warka ku tilmaamay waxba kama jiran.
Waxana uu soo hadal qaday inuu socdaliisu uu qeyb ka ahaa kulamo uu la soo qaday jaaliyadda Soomaaliland ee ku dhaqan dalalka Imaaradka Carabta gaar ahaana Dubia,waxana uu tibaxay inuu si guud uga warbixiyey xaaladda ka jirta deegaannada Soomaaliland.
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio