Garoowe (RBC RADIO) Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland C/laahi Maxamed Faarax (Aswad) oo ka hadlayay Weerarkii Westgate Hall ee Magaalada Nairobi oo Sabtidii ay xooga ku qabsadeen koox ka tirsan Alshabaab wuxuuna tilmaamay isagoo ku hadlaya afka Xukuumada Puntland in ay u tacsiyeenayaan intii ku dhimatay iyo intii ku dhaawacantay xanuunkana ay la wadaagayaan Dowlada Kenya isagoo wax magarad ku tilmaamay Kooxaha Weerarka soo qaaday dadkana laayay.
Wasiir C/laahi wuxuu sheegay in aan loo aanayn Karin weerarka Kooxdan mid diimeyd ama Shucuubeed balse caalamku ka wada siman yahay in kooxda Argagixisada ah aysan lahayn Qabiil balse ay yihiin dad ka duwan bulshada caalamka una tafaxeetay daadinta dhiiga Dadka iyagoon cafinayn una kala hiilinayn Dhamaan Dadka ku dhaqan aduun weynaha.
Dowlada Soomaliya Maamulka Somali-land iyo Masuuliyiin kale ayaa ka tacsiyeeyey kana dhiidhiyay Dhacdada Naxdinta leh ee Ahsbaab ka fuliyeen Westgate Mall ilaa hadana lagu jiro la tacaalideeda sidii loosoo afjari lahaa kooxahaas inkastoo Maalintii 3xaad ay halkaasi ku sugan yihiin.
Ibrahim Wadani
RBCRADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.