Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20366

Xaaladda Westgate oo Cakiran,Qaraxyo laga maqlayo gudaha Xarunta iyo qiiq iyo Uuro Cirka isku shareeray

$
0
0

raxanreeb_degdeg338Nairobi(RBC Radio) Xaaladda Westgate ayaa kasii ndaraysa waxaana ay sheegayaan wararka ugu danbeeya ee laga helayo in qaraxyo aad u waaweyn iyo rasaas culus laga maqlayo gudaha xarunta Westgate Mall oo uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Kenya oo garabsanaya wadamo shisheeye iyo raggii Sabtigii qabsaday dhismaha Suuqaas.

Xiiq iyo Uur aad u fara badan oo ka baxaya dhismaha ayaa cirka isku shareeray waxaana la sheegaya iney ka danbeysay kadib markii ay dheceen qaraxyo waaweyn oo laga maqlay gudaha xarunta Westgate,lama oga in qaraxyada ay fuliyeen kooxda meesha haystaya iyo iney adeegsadeen ciidamada ku hareeraysan ee doonaya iney goobta ka saaraan.

Xaaladda ayaa wali cakiran,ciidamada dalka Kenya ayaa dabdamisyo geeyo agagaarka dhismaha,waxaana la tilmaamayaa iney ku adagtahay iney wax ka qabtaan Xiiqa iyo Uurada ka baxaysa dhismaha Westgate waxaana daqiiqado kadibba rasaas kusoo ridaya kooxda ka tirsan Al-shabaab ee gacanta ku haysa Suuqa Westgate.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa dul heehaabaya goobta uu ka socdo hawlgalku,waxaana la sheegayaa in wariyaasha loo diiday iney u dhawaadaan dhismaha agagaarkiisa waxaana yar wararka saxda ah ee laga heli karo waxa goobta ka socda.

Taliyaha booliska dalka Kenya David Kamayo oo goordhaweyd la hadlay Wakaaladda wararka Reuter ayaa sheegay iney ku guuleysteen iney soo furtaan qaar kamid ah la haystayaashii goobta ku afduubnaa,wuxuuna intaa raaciyey in dabaqyada Koowaad iyo Labaad ay ciidamadu si buuxda gacanta ugu hayaan.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20366

Trending Articles