Nairobi[RBC Radio]Waxaa goor dhawed laga dhex maqlay guddaha xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi qaraxyo waa weyn,waxana qeybo ka mid ah goobta qariyey uuro ay dhaliyeen qaraxyadii ka dhacay guddha xarunta ganacsiga.
Qaraxyadaan waxay yimaadin kadib markii maalintii saddexaad gacanta ugu jirto xarunta ganacsiga ee Westgate kooxo hobeysan,waxana xiligaan ismari waa u dhexeeyo ciidamada ammaanka Kenya iyo koox hubeysan kaddib weerarkii xarunta lagu soo qaadday maalintii Sabtida.
Sidoo kale telefishinada dalka Kenya ayaa soo gudbiyey muqaalka qaraxa xooggan oo ka dhacay xarunta Westgate, iyadoo aan la ogeyn nooca qaraxan uu yahay,waxaana la arkayaa dabaqa sare ee xaruntaan oo uuro ka kaceysa.
Dad ka agdhow xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa Raxanreeb.com u sheegay in rasaas ay wali ka dhaceyso gudaha Westgate, taasoo la aaminsan yahay in ay u dhexeyso ciidamada iyo kooxaha hubeysan.
Ma jiro cid xaqiisey in dad ay ku geeriyoodeen qaraxa iyo in kale laakiin ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa galay feejignaan ku aadan waxa xigi doona qaraxa,sida laga daremaya dhaq dhaqaaqa ay wadan ciidanka.
Si kastaba 69 ayaa ku dhimatay, inka badan 170 kalana way ku dhaawacmeen weerarka Westgate oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.
Wixii ku soo kordha warkan kala soco Raxanreeb.com
________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio