Galinsoor(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya deegaanka GalinSoor ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa kusoo waramaya in deegaanka Kaxandhaale oo qiyaastii 40Km dhanka waqooyi uga beegan deegaanka Galinsoor.
Dadka la dilay ayaa la tilmaamay iney ahaayeen dad xoolo dhaqato ah,waxaana soo weeraray sida la sheegay Maleyshiyo hubaysan oo ka timid deegaanka Dacdheer,Siciid Daahir oo ka mid ah dadka deegaanka Kaxandhaale ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay dhammaantood rag ahaayeen isla markaane 2 kamid ah la dilay xalay halka midka kalane la dilay saaka aroortii.
Siciid ayaa tilmaamay in la xaqiijiyey in kooxda dilka geystay ay ka yimaadeen deegaanka Dacdheer,wuxuuna xusay in dilkani uu salka ku hayo aanooyin qabiil oo dhexyaal Beelo walaalo ah oo deegaanadaas wada daga,xaaladda ayuu sheegay iney kacsan tahay.
Dadka deegaanka ayaa lasoo sheegayaa iney wadaan abaabul dagaal oo ay ku doonayaan iney ku weeraraan raggii dilka ka geystay deegaanka Kaxandhaale,Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa lasoo sheegayaa inuu ku bexeen goobta ay dhibaatadu ka dhacday si xaaladda loo qaboojiyo oo uusan khasaaruhu usii badan.
Gobolada dhexe ee dalka ayaa waxaa inta badan lagu dilaa dad rayid ah sababo la xiriira aanooyin qabiil.
RBC Radio