Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka cawday dayac dhanka amniga ah oo ay sheegeen inuu haysto, mudanayaasha baarlamaanka ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya iney xil iska saarto ilaalinta amniga xildhibaanada baarlamaanka.
Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabeey oo hadal ka jeediyey Aas qaran oo maanta magaalada Muqdisho loogu sameeyey Alla ha u naxariistee Marxuum xildhibaan Xuseen Cabdisalaan oo Muqdisho lagu dilay ayaa sheegtay in mudanayaasha baarlamaanku ay dayacan yihiin.
Xildhibaanadda ayaa tibaaxday in Xildhibaan Xuseen uu u dhintay tii Alle ka sokow dayac sida ay sheegtay,waxayna xustay in xildhibaanka oo aan wax ilaalo ah wadan ay ragga toogtay in muddo ah baabuur ku eryanayeen ilaa ay aakhirkii dileen,waxayna ka dalbatay masuuliyiinta dowladda iney xil weyn iska saaraan ilaalinta nabadgalyada mudanayaasha baarlamaanka.
Waxayna intaa ku dartay in madaxda dowladdu ay iyagu isku koobeen ilaaladii isla markaane ay ka seexdeen dammaanad qaadida nabadgalyada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Aaska qaran ee maanta Muqdisho loogu sameeyey Xildhibaan Xuseen oo lagu qabtay gudaha Cisbitaalka Madiino oo lagu aasay ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Jaylaani Nuur Iikar gudoomiye xigeenka Koowaad ee baarlamaanka,Jaamac Maxamed Oday wasiir ku xigeenka arimaha gudaha iyo amniga iyo Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka.
Dhammaan masuuliyiinta aaska ka qaybgalay oo halkaa hadallo kooban ka jeediyey ayaa u tacsiyeeyey eheladii uu marxuumku ka baxay iyo mudanayaashii baarlamaanka ee uu ka tirsanaa,isagane waxay Alle uga baryeen inuu u naxariisto,waxayna tilmaameen inuu u dhintay ummadda Soomaaliyeed.
RBC Radio